Wasiir 3-Bil kadib xilka laga qaadayo,Bishii hore miyaa mugdi lagu magacaabay?=NASASHADA JIMCAHA.Q-106aad=.

0
Friday July 27, 2018 - 16:47:55 in Wararka by
  • Visits: 905
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir 3-Bil kadib xilka laga qaadayo,Bishii hore miyaa mugdi lagu magacaabay?=NASASHADA JIMCAHA.Q-106aad=.

    FG: Cudur daar…Berri waxaan ku maqanahay Howl adag, galabtiina khad internet ma helayo, Habeen dambena Safar ayaan ahay, Istanbul/Nairobi. Mana jecli saaxiibadeyda FB-gu inay igu lug go'aan, Iga raali ahaada, khamiistaan–Jimco ahaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

FG: Cudur daar…Berri waxaan ku maqanahay Howl adag, galabtiina khad internet ma helayo, Habeen dambena Safar ayaan ahay, Istanbul/Nairobi. Mana jecli saaxiibadeyda FB-gu inay igu lug go'aan, Iga raali ahaada, khamiistaan–Jimco ahaan u niyeysta, … Ugaas Ciisana waa ku mahadsan yahay doorkiisa caawa.

1-Ugaas Ciise ayaa arkay, wiil yar oo uu Adeer u yahay, oo kalsooni aad ah u muujinaya gabar saaxiintii ah, ugaaska ayaa ku yiri: Maandhow, ha u qaadan in ay Gabartaanu kugu kalsoon tahay. Wiilkii ayaa ku yiri: Maxaa dhacay Adeer? Ugaaskii ayaa ku yiri: Galabta intii ay nala joogtay, 20 mar ayey Miraayad isku fiirisay, wajigeedana inta ku kalsoonaa weyday ayey Rinji ka buuxisay, marka qof naftiisa ku kalsoonaa waayay miyaa adiga kugu kal soonaana kara?. ( Fiiri Sawirka 1aad).

( Maamul Gobaleed isagu dhaxdiisa isku kalsoonaa waayay, Dowladu maku kalsoonaa kartaa?)

2-Ugaas Ciise ayaa Haweeney Shaah iibisa, hadal u Sarbeebaya ku yiri: waxaa ii jooga wiil yar oo iga xanuunsan, oo inta badan habeenkii si kadis ah iigu mataga, Haddan heli lahaa qofii ila haya wey ii fiicnaa leheyd.

Haweeneydii ayaa ku tiri: oo miyuu xanuunsan yahay, maalintii marka aad halkan ka shaaheysu yaa kuu haya? Odaygii ayaa ku yiri: Xanuun daran ma qabyo, oo maalintii suuqa ayuu ila mar maraa, waa mid aan iga Da’ yareyn, laakin iga dhirif ( xanaaq) badan.( F.S: 2aad)

( Masuul aan da’ kaa yareeyn, dadnimo, Damiir & diinunna aynan celineyn, ee meeshii uu arko ku daacda, Duub iyo Daraja doon Alla noogama dhigo)

3- Xuseen Cabdi Baajuur oo Reer Laas Caanood ahaa oo aan weligii Xamar imaan ayaa dibadda iska dhiibay, Gaaladii ayuuna ku yiri: Dagaaladii Xamar ayaan ka soo qaxay, waxaa la weydiiyay ma taqaan Kuuleey Cali Banjar? Wuxuu yiri: waan Garanayaa inantaa iyada oo yar ayaa iigu dambeeysay, ilma adeer baanu nahay. Waxaa lagu yiri: waan ku fahamnay ee Xamar tag ee kadib soo qax.( F. S: 3aad)

( Xuseen Xamar ayuu ku soo noqday,waxa uu ku doodayaa Isbitaal Banadir ayaan ku dhashay, warqada bandanna waa wataa, waxaa noogu dambeysay isaga oo u sharaxan ku xigeenka duqa magaalada Muqdishu, Ar Xamaraa!!!!).

4- Gabar ayaa u soo Dacwootay Caaqil Ugaas Ciise . kuna tiri: Raggu markii ay Hablaha dantooda ka gaaraan oo ay ka dhameystaan macaanka sida cambihii, wey ka dhuuntaan. Caaqil ugaas Ciise ayaa ku yiri: Gabarteey weligaa ma aragtay Ciyaaryahan Gool dhaliyay, kadibna shabaqa iska ag fadhiistay?.Maya, Gool Labaad in uu dhaliyo ayuu rabaa, ee gabarteey wax iska hubso.( F.S: 4 & 5aad)

(Xildhibaan doorashadii hore beeshiisa Gool ka dhaliyay, kadibna siyaasada iskii uga fadhiistay oo Qoyskiis la joogo weli mala arkay? Maya, Nabaddoonkuu cimaamad kale u iibinayaa).

5- Naag ayaa ninkeedii ku qeylisay iyada oo leh war soo orod waa la i kufsadaye. Ninkii ayaa ku yiri: Intii lagu kufsanayay maxaadan u qaylin? Waxa ay tiri: Markii hore qolka ayaa mugdi ahaa, waxaan u maleynayay adiga. Markii Labaadna waan shakiyay, markii saddaxaad ayaan hubsaday in uuna adiga aheeyn, waana qayliyay. Xabiibi nin aan adiga aheeyn miyaan ogolaan lahaa?. Ninkii ayaa yiri: iga tag meelahaaga iska saddax saddaxeyso intaad wax ka hubsee.

(Wasiir 3 Bil kadib xilka laga qaadayo, Bishii hore miyaa mugdi lagu magacaabay?. Bishii Labaadna ma waxaa la ogaaday in uuna aheyn kii la rabay. Bishii Saddaxaad markuu muraadkiisa dhameystay, jeebkana buuxsaday, miyaa la eryayaa?, Ar amaa la xisaabtamaa???).

6-Oday Axmed Lacag oo dibadda ka yimid ayaa waxa uu baadi goobayay Gabar Bikra ah oo uu guursado waxa uuna ka helay , Luul YES oo aheeyd gabar aad u qurxan ,Ciyaalka xaafaduna ay u yaqaaniin YES, maba taqaan NO. horayna waxa ay u soo dhashay hal cunug oo Dot Kom ah.

Reerkeedii waa u ogolaadeen oday Axmad Lacag, kadib markii uu Dollar badan bixiyay. Habeenkii la Aqal geynayay ayey Lul Yes ku tiri: Hooyadeed Xaliimo Waasac : Hooyo caawa waan ceeboobayaa, ileyn Bikro ma ihiye , maxaan sameeyaa?. Hooyadii ayaa ku tiri: Naa Doqon yeheey , Laba xabo oo Liimo dhanaan ah Gasho, markuu daalo, Saddax habeen kadib mid iska bixi, habeenka Todobaadna tan kale iska bixi.

Luul ayaa tiri: Hooyo taasi suura gal maahan. Hooyadii ayaa ku tiri: Doqon, Naa aniguba Habeenkii Arooskeyga , Aabahaa Hal xabo oo Qare ah ayaan u gashaday. ( F. S: 6 & 7aad)

( Meeqa siyaasi ayaa habeenkii naloo soo sharaxayay Xabad Qare siyaasadeed ah noo soo gashaday, annana aan iska aaninay? Yac, yac ha magacaabin, hanna dimbaajin, bis )

Qore: Yahya Amir




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip