Chelsea oo 6-cayaaryahan iibineyso si tababare Sarri u helo lacago uu suuqa ku galo

0
Saturday July 21, 2018 - 11:53:39 in Wararka by
  • Visits: 514
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Chelsea oo 6-cayaaryahan iibineyso si tababare Sarri u helo lacago uu suuqa ku galo

    Maamulka kooxda Chelsea waxaa saaran culees dabiici ah madaama qarashaad badan ay bixinayeen xili walbo tababare cusub kooxda kusoo biiro. Balse Football London ayaa ogaatay in tababaraha Blues ku cusub Sarri inuu ku qasban yahay qaar ka mid ah ca

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka kooxda Chelsea waxaa saaran culees dabiici ah madaama qarashaad badan ay bixinayeen xili walbo tababare cusub kooxda kusoo biiro. Balse Football London ayaa ogaatay in tababaraha Blues ku cusub Sarri inuu ku qasban yahay qaar ka mid ah cayaartooyda kooxda ku sugan uusan u baahneyn inuu iibiyo si uu u helo lacago dheeri ah oo uu cayaartooy cusub kusoo iibsado. Sidaa darteed 6-cayaaryahan ayay Blues suuqa soo dhigeysaa weliba cayaartooydaan tababare Sarri ayaa amray in la iibiyo si uu sare ugu qaado miisaaniyada uu suuqa ku galaayo:

Thiabout Courtoiswaxaa la rajeynaa in Real Madrid 35-milyan euro ah ku qaadaneyso.

Gary Cahill:kabtanka Blues wuxuu dalbaday in la iska fasaxo wuuna bixi doonaa madaama uusan qayb ka ahayn qorshaha tababare Sarri.

Marcos Alonso:daafacan Spanish-ka ah wuxuu rabaa inu dib ugu laabto Spain waxaana lala xariirinayaa Barcelona iyo Real Madrid.

David Luiz:30-jirkan waxaa lala xariirinayaa kooxda Napoli ayadoo uu xiiseenayo inuu ka hoos shaqeeyo tababare Carlo Ancelotti.

Cesc Fabregas:imaatinka Jorginho iyo xidigo kale oo khadka dhexe tababare Sarri doonayo ayaa ku qasbeyso Fabregas inuu baxo waxaana lala xariirinayaa kooxda AC Milan.



Eden Hazard:waa hogaamiyaha Blues balse wuxuu rabaa inuu Real Madrid xagaagan ku biiro waxayna wararka sheegayaan in Madrid xidigaan ku qaadan doonto 170-milyan oo pound.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip