Liverpool oo ku dhawaaqday saxiixa goolhaye Alisson Becker!

0
Friday July 20, 2018 - 20:11:27 in Wararka by
  • Visits: 501
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Liverpool oo ku dhawaaqday saxiixa goolhaye Alisson Becker!

    Kooxda kubadda cagta ee Liverpool ayaa ugu dambeyn ku guuleysatay inay dhameystirto saxiixa Alisson Becker Reds ayaa heshiiskan kusoo gabagabeysay €72.5m oo ay kaga soo qaadatay kooxda AS Roma isagoo noqday goolhayihii ugu qaalisanaa taariikh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda kubadda cagta ee Liverpool ayaa ugu dambeyn ku guuleysatay inay dhameystirto saxiixa Alisson Becker Reds ayaa heshiiskan kusoo gabagabeysay €72.5m oo ay kaga soo qaadatay kooxda AS Roma isagoo noqday goolhayihii ugu qaalisanaa taariikhda kubadda cagta.

25-jirkan ayaa laad ku jebiyey rikoor u yaallay halyeygii hore Juventus ee Gianluigi Buffon balse hadda ka tirsan kooxda Paris Saint-Germain kaasoo ahaa goolhayaha ugu qaalisan kubadda cagta ka dib markii uu 2001 kaga soo biiray Juve dhanka kooxda Parma.

Real Madrid iyo Chelsea ayaa loollan kula galay liverpool saxiixa xiddiggan reer Brazil, hase ahaatee hadda waa ciyaaryahan Liverpool ah, isagoo xilli ciyaareedka soo aaddan kasoo muuqan doono Anfiel goolkiisa.

Alisson ayaa Roma ay kaga soo qaadatay kooxda reer Brazil ee Internacional lacag dhan €7.5m si uu u kabo Wojciech Szczesny, balse bandhig cajiib ah ka dib waxa uu noqday goolhayaha koowaad ee Giallorossi.

Waxaana Alisson uu sameeyay badbaadinta ugu badan ee Serie A iyo Champions League-ga xillo ciyaareedkii lasoo dhaafay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip