France oo ku guuleysatay koobka aduunka

0
Sunday July 15, 2018 - 21:27:40 in Wararka by
  • Visits: 626
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    France oo ku guuleysatay koobka aduunka

    Waxaa soo dhamaatay ciyaartii u dhaxeysa xulalka Croatia iyo France, waxaana ciyaaru ay aheyd mid aad u xiiso badneyd oo aduunyadu oo dhan ay hadal heysay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa soo dhamaatay ciyaartii u dhaxeysa xulalka Croatia iyo France, waxaana ciyaaru ay aheyd mid aad u xiiso badneyd oo aduunyadu oo dhan ay hadal heysay.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa waxaa lagu kala nastay 2-1 oo uu ku horkacayay xulka France, iyada oo markii dib la isugu soo laabtay xulalkan ay dhexmartay ciyaar xiiso leh, waxaana ugu dambeyn 4-2 ku badiyay xulka France.

Xulka France ayaa goolasha waxa uu ka kala helay ciyaartoyda kala ah Antoine Griezmann, Paul Pogba, Kylian Mpappe iyo goolka Afaraad oo ahaa mid uu iska dhaliyay Mario Mandzukich oo ka tirsan Croatia, xulka Croatia ayaa labada gool ee uu la yimid wuxuu ka helay Ivan Perisic iyoMario Mandzukich.

Ugu dambeyntii waxaa koobka aduunka la gudoonsiiyay xulka France oo ku guuleystay tartankan oo sanadkan lagu qabtay dalka Ruushka.

Ciyaartan ayaa waxaa ka qeyb galay Madax ay ka mid ahaayeen MadaxweynahaCroatia iyo Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga.

.

 





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip