Jose Mourinho Oo Dalab Ka Helay Kooxda Ugu Xun Adduunka, Weliba Dalab Cajiib Ah.
Ibis Sport Club oo ah koox reer Brazil oo ka dhisan magaalada Racife ayaa soo bandhigtay warqad ku socota tababarihii hore ee Chelsea iyagoo sheegay in raashiin uu yahay mushaharkiisa bilaha ah, islamarkaana abaalmarin la siin doono kulan walba oo laga badiyo.
Haddii aysan taasi Mourinho soo jiidanin, waxa ay sidoo kale sheegeen in la ceyrin doono haddii uu tababaraha kooxda ku hogaamiyo hanashada horyaalka Brazil.
Ibis ayaa sidoo kale loo yaqanaa kooxda ugu xun adduunka ka dib markii ay guul la’aan ahaayeen seddex sanno iyo 11 bilood intii u dhaxeysay 1980kii iyo 1984tii.
Em primeira mão, o contrato do nosso futuro técnico José Mourinho, que já está aqui em Pernambuco. #MourinhoNoÍbis pic.twitter.com/KOan84L7ke
— Íbis Sport Club (@ibismania) December 28, 2015
Jose Mourinho Oo Dalab Ka Helay Kooxda Ugu Xun Adduunka, Weliba Dalab Cajiib Ah.
Manchester United weli uma aysan dhaqaaqin Jose Mourinho laakiin hal koox oo ka dhisan Brazil ayaa dalabkeeda ku aadan tababaraha banaanka soo dhigtay.