Mario Balotelli Waxa Lagu Cadaadiyaa Ma Aha Kubadiisa Ee Waa Midabkiisa Madow, Sidaasi Waxaa Qaba Wakiilka Weeraryahanka Italy Mino Raiola Oo Qudhiisa Talyaani Ah

0
Thursday December 31, 2015 - 20:24:33 in Sports News by
  • Visits: 729
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mario Balotelli Waxa Lagu Cadaadiyaa Ma Aha Kubadiisa Ee Waa Midabkiisa Madow, Sidaasi Waxaa Qaba Wakiilka Weeraryahanka Italy Mino Raiola Oo Qudhiisa Talyaani Ah

    Mario Balotellilooma qiimeeyo si lamid ah ciyaartooyda kale, waxaana taas keentay inuu yahay ciyaariyahan madow ah, sidaasi waxaa qaba wakiilka xidigaan ee Mino Raiola, kaasoo ku eedeeyay Italy in wali ay cunsuriyad ka jirto kubada cagta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mario Balotellilooma qiimeeyo si lamid ah ciyaartooyda kale, waxaana taas keentay inuu yahay ciyaariyahan madow ah, sidaasi waxaa qaba wakiilka xidigaan ee Mino Raiola, kaasoo ku eedeeyay Italy in wali ay cunsuriyad ka jirto kubada cagta.

Weeraryahanka amaahda kula jooga AC Milan ayaa dhaawac garoomada kaga maqna ilaa bishii September waxaan jirta dhaleeceyn badan oo loo soo jeediyo wiilkaan dabeecada qalafsan.

Laakin Raiola ayaa qaba in habka loogala dhaqmo Balotelli wadanka Italy iney ugu wacan tahay midabkiisa oo madoow darted laakin an lagu qiimeyn kubada cagta iyo waxyaabaha uu garoonka ku sameeyo.

Isagoo la hadlayay Tuttosport wuxuu yiri Riola: "Dadka waxay ku qiimeeyaaan Mario waxaanan caadi aheyn, wuxuu ku noolyahay wadan aan diyaar u aheyn inuu soo dhaweeyo ciyaariyahan xoogan oo madow ah”

mario balotelli

"Italy waa ay ka danbeysaa caalamka kale marka la eego cunsirada ka jirta ee ku daana midab kala sooca, dadka qaar ayaa kugu walwal galinayaa midabkaaga mana moodaan in waxaan dhalasho ay yihiin, waxaa lagu qasbaa ciyartooyda madow iney shaqeeyaan labo u jibaarka inta ay qabtaan ciyaartooyda kale, waxaa laga doonayaa iney isku soo muujiyaan si ak duwan kuwa kale”.

Inkastoo qaab ciyaareed xumo iyo dhibaato dhaawacyo ay hareeyeen Balotelli hadana Raiola ayaa qaba in Mario uu mudan yahay inuu matalo Italy Euro 2016 wuxuuna yiri


” Antonio Conte waxaa haboon inuu u yeero Mario sababtoo ah waa weeryahaynka ugu fiican ee talyaani ah, Enzo Bearzot wuxuu u yeeray Paolo Rossi sanadii 1982 despite inkastoo Rossi qaab ciyaaeed fiican ku jirin markaas waxayna ku guuleysteen koobka aduunka, waan ku kalsoonahay in Mario u heli doono kalsoonida Conte marka uu goola ku caawiyo Milan.”



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip