Jose Mourinho Oo Madax Waynaha Real Madrid Ee Florentino Perez U Sheegay In Aanu Mar Labaad Ku Soo Laaban Doonin Real Madrid

0
Thursday December 31, 2015 - 20:11:44 in Sports News by
  • Visits: 734
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jose Mourinho Oo Madax Waynaha Real Madrid Ee Florentino Perez U Sheegay In Aanu Mar Labaad Ku Soo Laaban Doonin Real Madrid

    Jose Mourinho ayaa tan iyo markii laga caydhiyay shaqada kooxdiisii hore ee Chelsea si wayn loola xidhiidhinayay in uu dib ugu laabanayo kooxda Real Madrid oo uu iyadana ka soo shaqeeyay, laakiin sida ay ku warantay jariirada ree Spain ee Sport, Mour

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jose Mourinho ayaa tan iyo markii laga caydhiyay shaqada kooxdiisii hore ee Chelsea si wayn loola xidhiidhinayay in uu dib ugu laabanayo kooxda Real Madrid oo uu iyadana ka soo shaqeeyay, laakiin sida ay ku warantay jariirada ree Spain ee Sport, Mourinho ayaa maalmihii la soo dhaafay madax waynaha Real Madrid eeFlorentino Perez u sheegay in aanu mar labaad dib ugu soo laaban doonin Santiago Bernabeu.

Tababaraha waqtiga kooban joogay Real Madrid ee Rafael Benitez ayaa xili horeba cadaadis la kulmaya iyada oo ay jamaahiirta Madrid bartilmaameed ka dhigteen Benitez iyo Perez labadaba. Jamaahiirta Madrid ayaa kooxdooda ka doonaya isbadal aan ku koobnaan tababaraha oo kaliya, waxayna doonayaan in Perez uu kooxda dhaafo.

Marar badan ayay ku heeseen in Perez uu iska casilo shaqada madax wayne ee Madrid.Natiijo xun oo Madrid soo gaadha ayaa soo gabagabayn karta mustaqbalka Benitez, waana warka ugu fiican ee ay jamaahiirta Madrid waqti xaadirkan doonayaan

Xili ciyaareedkan ayay Bernabeu caado ka noqotay in jamaahiirtu ay ku oriyaan Perez iyo Benitez iyada oo xalay oo ugu danbaysay ay jamaahiirta Madrid si xun uga cadhoodeen markii uu Benitez badal ku saaray James Rodriguez oo badhig fiican sameeyay 58 daqiiqo oo uu ciyaarta ku jiray kulankii Los Blancos ay guusha kaga gaadhay Real Sociedad.

Mourinho ayaa la fahansan yahay in uu doonayo sidii uu ugu sii nagaan lahaa horyaalka Ingiriisaka, waxaana lala xidhiidhinayay kooxda Manchester United oo Louis Van Gaal badalkiisa ka dhigan karta kaas oo uu cadaadis wayni saaran yahay. Mourinho ayaa Perez u sheegay in aanu badal u noqon doonin Benitez.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip