Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp oo qaybta shirkiisa jaraa'id ee ka horeeya kulanka ay Liverpool u safri doonto kooxda West Ham United ayaa ka hadlay waxyaabo badan oo kooxdiisa kulankan la xidhiidha. Klopp ayaa wax laga waydiiyay hadalkii tababarha Sunderland eeSam Allardyce kaas oo Klopp ku tilmaamay Jarmal jilicsan.Halkan kaga bogo waxyaabihii uu Klopp shirkiisa jaraa'id kaga hadlay.
Jurgen Klopp oo ka hadlaya erayadii Sam Allardyce ayaa yidhi:"Wax
dhibaato ah malaha, dad badan ayaa waxyaabo ka xun aniga igu sheegay,
ma aha markii ugu horaysay. Mamadou Sakho wuu nool yahay wax kastaana
waa caadi, anigu wax dood ah kama qabo kursiga kaydka Sunderland wax
kale oo aan sheegaana ma jirto”.
"Jarmal
jilicsan miyaa? tani markii ugu horaysay ee uu qof igu sheego ma aha,
laakiin haddii aad mar labaad fiirisaan qaladkii Lens, waad garan
doontaan in aan xukunkayga ku saxsanaa . Aniga fikrad ahaantayda
xaaladaha sidan oo kale ah waxaan u xukumaa si ka duwan, sidaa daraadeed
haddii aad isbarbar dhigtaan kaadhadhkii digniinta ahaa ee kulankan
muxuu kani noqonayaa? taas ayay ahayd waxaan doonayay in aan sheego”.
Klopp
oo ka hadlaya suurtogalnimada soo laabashada Daniel Sturridge ee ee
kulanka West Ham iyo xaaladaha Joe Allen iyo Origi ayaa yidhi:
"laga yaabee in uu Daniel awoodi doono in uu soo laabto sabtida,Joe
Allen wuu xanuunsanayaa waxaana waajib anagu ah in aanu sugno,
dhakhtarku wuxuu ii sheegay in uu Allen galinkii danbe ee shalay uu
madagayay , sidaa daraadeed guriga ayaanu u dirnay isaga. Maya Milner,
Origi-na xili hore ayay ku tahay”.
Klopp oo ka hadalaya diyaar garawga kulamada ka horeeya iyo in shaqada West Ham loogu yeedhay ayaa yidhi: "Haddii aad markasta kulamada adag isku diyaariso, waxaad mararka qaar
kulanka ka helaysaa mid sahlan. Xagaagii diyaar maan ahayn, anigu nasiib
ayaan lahaa in xiiso badan la iihayay, West Ham waa koox fiican,
laakiin waqti qaldan ayay ahayd si la mid ah kooxihii kale ee ila soo
xidhiidhay, wax kastaaba waa sax”.
Klopp oo ka hadlaya qaab ciyaareedka goolhaye Mignolet iyo heshiis kordhintiisa ayaa yidhi: "Dadka kooxda jooga ayaa ku dhawaaqi doona heshiiska Mignolet, laakiin
hadda ma aha, anigu xaqiiqdii waanku qanacsanahay Simon Mignolet,
laakiin maalinta xigta ayuu qof iska qori doonaan in aanu shan boqol oo
goolhaye oo aduunka jooga xiisaynayno, Anigu waan ku faraxsanahay
goolhayayaasha. Waxaan xaqiiqdii aaminsanahayJohn Achterberg iyo
shaqada fiican ee uu qabtay waana mid ka mid ah dadka ugu shaqada badan
ee aan abid la kulmay”.
Klopp ayaa qiray wax qabadka fiican ee Benteke wuxuuna yidhi:"Benteke
waxa uu qabtay waxa ugu fiican ee uu gooldhaliye qabto, waxa guu helay
goolal wax go’aamiyay. In si fiican aad u ciyaarto kooxda oo dhan ayay
saamaynaysaa, laakiin waxa ka duwan ee labadii kulan ee ugu danbeeyay
waxa uu ahaa dagaalan, si fiican ayaanu dagaalamaynay, fursadahayaga
ayaanu helnay Benteke-na fursdaha ayuu ka qaatay. Hore kulamo ayaanu u
soo guulaysanay laakiin iska dhex dhexaad ayaanu ahayn, taasina ma aha
sida aad ahaanayso haddii aad doonayso qaab ciyaareed joogto ah”.
Klopp ayaa ugu danbayn ka hadlay dhaawac Henderson soo gaadhay wuxuuna yidhi: "Waxaa waajib nagu ah in aan yara sugno dhaawaca Henderson, cidhibta
ayay ahayd, waxaa suurtogal ah in uu ahaa wax isaga u fiican in aan
badalnaa laakiin waan eegi doonaa”.
Hadalkii Tababare Sam Allardyce Ee In Klopp Uu Yahay Jarmal Jilicsan, Qaab Ciyaareedka Christian Benteke & Mignolet, Xaalada Dhaawacyada Ciyaartoydiisa Iyo Waxyaabo Uu Klopp Ka Hadlay Ka Hor Kulanka West Ham
Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp oo qaybta shirkiisa jaraa'id ee ka horeeya kulanka ay Liverpool u safri doonto kooxda West Ham United ayaa ka hadlay waxyaabo badan oo kooxdiisa kulankan la xidhiidha. Klopp ayaa wax laga waydiiyay hadalkii t