Jariirada MARCA Oo Si Wayn U Amaantay Kooxda Luis Enrique Ee Barcelona, Iyada Oo Wax Ka Qortay Rekoodhkii Gooldhalinta Ee Ay Barca Dhigtay Kulankii Real Betis Iyo Koobabka Ay Sanadkan Ku Guulaystay

0
Thursday December 31, 2015 - 20:02:17 in Sports News by
  • Visits: 751
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jariirada MARCA Oo Si Wayn U Amaantay Kooxda Luis Enrique Ee Barcelona, Iyada Oo Wax Ka Qortay Rekoodhkii Gooldhalinta Ee Ay Barca Dhigtay Kulankii Real Betis Iyo Koobabka Ay Sanadkan Ku Guulaystay

    Jariirada ree Spain ee Marca ayaa si wayn kooxda Barcelona ugu amaantay sanad cajiib ah oo ay soo qaadatay 2015, waxayna Marca ka hashay gooldhalinta cajiibka ah ee Messi, Suarez iyo Neymar oo loo soo gaabiyo MSN. Haddaba waxaa warbixin kooban oo ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jariirada ree Spain ee Marca ayaa si wayn kooxda Barcelona ugu amaantay sanad cajiib ah oo ay soo qaadatay 2015, waxayna Marca ka hashay gooldhalinta cajiibka ah ee Messi, Suarez iyo Neymar oo loo soo gaabiyo MSN. Haddaba waxaa warbixin kooban oo ay Marca qortay idiin soo turjumay Laakib.net. halkan ayaanad kaga bogon kartaa.

Dib ugu laabo markii 2014 ay Real Madrid sanadka ku dhamaysatay 178 gool ee ay BCC dhaliyeen 108 gool, waxaa si wayn loogu tixgalinayay in rekoodh gaadhistani ay noqon doonto mid aan la garaaci karin. ayaa lagubilaabay warbixinta Marca.bbc

Laakiin kooxdan Barcelona may ahayn mid qayb ahaan ku tartami karaysay, xukunka Luis Enrique ayaa soo saaray sanad cajiib ah kaas oo la arkay Barcelona lix koob oo ay u tartamaysay shan ka mid ah ku guulaystay isla markaana Real Madrid ku garaacday tirada koobabka iyada oo waliba garaacday rekoodhkan khaaska ah(gool dhalinta).

Ka hor kulankii gurigooda ee Real Betis, Bluagrana waxay laba gool ka danbasyay rekoodhkii gool dhainta ee kooxdii Ancelotti , laakiin kaliya saacad badhkeed, waxay markiiba barbareeyeen rekoodhkii gool dhalinta ee Los Blancos. 138 gool waxaa dhaliyay MSN intii lagu jiray sanadkan waxayna gacan wayn ka gaysteen in oo a ay Bluagrana ka caawiyeen sidii ay halka ugu saraysa ugaga jirt qiimaynta.Barcelona

Kooxda ree Catalonia waxa ay sanadkan ku dhamaysteen 180 gool, birta goolka kooxda ree Andalusia ee Betis ayaa soo fara galisay waxayna Barcelona dhalin lahayd goolal intaa ka badan(Messi, Alves iyo Neymar ayaa birta wada garaacay). Luis Suarez ayaa ku jira qaab ciyaareedkii noqolshiisa ugu fiicnaa, wuxuuna toba gool ku dahliyay saddexdii kulan ee uu soo ciyaaray. Labadii gool ee uu xalay dhaliyay xidiga ree Urugaay ayuu Neymar kaga hormaray gooldhalinta La Ligaha halka ugu saraysa isaga oo yeeshay 15 gool.Suarez3

Waxaana qormada Marca lagu soo gabagabeeyay: Geesigii hore ee Anfield ee Luis Suarez ayaa 48 gool dhaliyay sanadkan 2015 waana goolal la mid ah inta uu Messi dhaliyay. ayaa qoraalka Marca lagu soo xidhay. Barcelona ayaa ka hor kulankii xalay ee Betis jamaahiirta kooxdeeda Camp Nou ugu soo badhigtay shantii koob ee ay ku guulaystay, waxaanad halkan hoose ka daawan kartaa muqaalka goos gooskii kulankaas oo dhamaystiran oo ay ugu horayso badhigii koobabka iyo xafladayntii.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip