France Iyo Belgium oo Caawa Isaga Hor Imaanaya Semi-final-ka Koobka Adduunka

0
Tuesday July 10, 2018 - 22:53:16 in Wararka by
  • Visits: 1324
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    France Iyo Belgium oo Caawa Isaga Hor Imaanaya Semi-final-ka Koobka Adduunka

    Magaalada Saint Petersburg ayaa sugaya caawa inay marti galiso semi-final-ka koobka adduunka, iyadoo 12 saacadood ka horkulankaan taageerayaasha France iyo Belgium xaadireen garoonka. Tababaraha xulka Belgium Roberto Martinez ayaa si weyn u xushmey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Saint Petersburg ayaa sugaya caawa inay marti galiso semi-final-ka koobka adduunka, iyadoo 12 saacadood ka horkulankaan taageerayaasha France iyo Belgium xaadireen garoonka. Tababaraha xulka Belgium Roberto Martinez ayaa si weyn u xushmeynaya xulka ay la ciyaari doonaan semi-final-ka, isagoo sheegay inaysan heysan ciyaartoy wanaagsan marka lala barbardhigo France.
Daafaca Faransiiska Raphael Varane ayaa rajeynaya inay isbedel sameeyaan Les Bleus marka ay caawa wajahayaan Belgium kulanka semi-finalka koobka adduunka ee ka dhacaya Saint Petersburg.

Belgium Tababaraheeda Roberto Martinez ayaa markale diyaar u ah inuu keydka dhigo Yannick Carrasco si uu uisticmaalo shaxda 4-4-2.

Thibaut Courtois; Jan Vertonghen, Vincent Kompany, Thomas Vermaelen, Toby Alderweireld; Axel Witsel, Kevin De Bruyne, Nacer Chadli, Yannick Carrasco; Eden Hazard, Romelu Lukaku iyo Martinez oo bedelkiisa loo adeegsan karo Marouane Fellaini ayaa diyaar u ah Belgium.

Ngolo Kante ayaa loo isticmaali doonaa joojinta Eden Hazard oo ah qatarta ugu badan Belgium kulanka semi-final-ka ee caawa.

Kevin de Bruyne iyo Antoine Griezmann oo labadoodaba ku guuleystay inay shabaqa soo taabtaan kulankii wareega quarter-finalka xulalkooda ayaa diyaar u ah kulanka caawa.

OGEYSIISKA CIYAARTA

SAACADA: 9:00 Fiidnimo

GAROONKA:Saint Petersburg Stadium

GARSOORE:Andres Cunha (Uruguay)

XOGTA LABADA XUL

France iyo Belgium ayaa haatan isaga hor imaanaya kulankii ugu horeeyay ee Semi finalka koobka adduuunka, iyadoo Belgium ay haatan kusugan tahay heerkii ugu fiicnaaa tartankaan tan iyo ciyaarihii lagu qabtay Mexico 1986.

Red Devils waxaa ka maqnaan doona kulanka ay wajahayaan caawa France Thomas Meunier oo jaale qaba, halka Les Bleus ay dib u heli doonaaan Blaise Matuidi oo ganaax ku maqnaa kulankii ugu dambeeyay.

Faransiisku ma aysan la kulmin in ka badan inta ay la kulmeen Belgium xulalka kale ee Yurub, 74 jeer ayay wada ciyaareen labadaan xul.

Si kastaba ha ahaatee, waxay kaliya laba kulan ku kulmeen Koobka Adduunka, iyadoo kulankoodii ugu dambeeyay ay isaga hor yimaadeen ciyaar loogu tartamayay kaalinta seddexaad ee koobkii adduunka ee lagu qabtay Mexico 1986.

SAFAFKA MACQUULKA AH

France:Hugo Lloris; Lucas Hernandez, Samuel Umtiti, Raphael Varane, Benjamin Pavard; Ngolo Kante, Paul Pogba; Blaise Matuidi, Antoine Griezmann, Kylian Mbappe; Olivier Giroud.

Belgium:Thibaut Courtois; Jan Vertonghen, Vincent Kompany, Thomas Vermaelen, Toby Alderweireld; Yannick Carrasco, Axel Witsel, Kevin De Bruyne, Nacer Chadli; Eden Hazard, Romelu Lukaku​.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip