MAQAAL: QALAD WAXBAA LAGA BARTAA, HORAYNA WAA LOO SOCDAA:

1
Tuesday July 10, 2018 - 09:30:40 in Wararka by
  • Visits: 863
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAQAAL: QALAD WAXBAA LAGA BARTAA, HORAYNA WAA LOO SOCDAA:

    Arinta ku dhacday Col. Abdikarim Qalbi dhagax ma ahayn oo kaliya mid asaga kaliya dhib loogu geeystay, waxay ahayd siyaasad lagu karaama dilaayay magaca guud ee umadda Soomaaliyeed, habada maxaa dhacay?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Arinta ku dhacday Col. Abdikarim Qalbi dhagax ma ahayn oo kaliya mid asaga kaliya dhib loogu geeystay, waxay ahayd siyaasad lagu karaama dilaayay magaca guud ee umadda Soomaaliyeed, habada maxaa dhacay?

Shacabkii Soomaaliyeed sideey u dhan yihiin waxay garab istaageen Abdikarin waxayna ku guuleeysteen inay beeneeyaan siyaasadii sharafkii iyo cisigoodi lagu dilaaayay, waana sababta loo soo daayay Abdikarin, taariikhda waxay qori doontaa in shacabka Soomaaliyeed inay ka guuleeysteen lugooyadaas oo ay soo furteen maxbuuskoodi.

Anigu ma qabo in qaladkii dhacay hadana loo isticmaslo in dowladii curdunka ee la dhodhoobaayay in lagu burburiyo ama dhib loogu geeysto, waayo qaladkastaa oo dhaca waxaa ka muhiimsan jiritaanka iyo xoojinta nidaamka dowladnimo. Waxay runtu tahay oo aan tariikhda ka baranay wadan in mudo ah ku raagay dagaal sokeeye oo la doonaayo in dib loo dhiso ay dhici karaan qaladaad badan tan iyo midka xun, waa inaan la nimaadno waxa la yiraahdo xakamaynta qaladaadka (Damage control) taasoo sahleeysa in wadanka uusan dib ugu noqon burburkii.

Waa dhab in siyaasiyiin ay u arkaan arinkaan fursad siyaasadeed ay ku gaaraan hamigooda ayagoo doonaayo inay kula dagaalamaan xukuumada markaasi talada dalka haaysa si ay uga fa’ideystaan caadifada shacabka tasoo ah mid ay isticmaalaan siyaasiyiinta aduunka oo dhan waxaana afka qalaad lagu fasiraa " qaladkaaga waa guusheeyda”

Hadaba anigoo la wadaaga dareenka shacabka oo aad ugu xun arinkaas dhacay hadana waxaan eegayaa jiritaanka iyo xoojinta dowladnimadda umadda Soomaaliyeed waayo dalkeena wuxuu marayaa marxalad aad u adag, waxaan talo ugu soo jeedinayaa umadda Soomaaliyeed madaama ay guuleeysteen inay horey u socdaan oo ay garab is taagaan dowladnimadda umadda Soomaaliyeed waayo qalad dhacay waxaa ka wayn dowladnimadda umadda Soomaaliyeed.

W/Q:-Sheikhnor Abocar Qassim



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip