Maqaal: Dhakhtarkii Xabaasha Qoday

0
Monday July 09, 2018 - 11:15:56 in Wararka by
  • Visits: 852
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maqaal: Dhakhtarkii Xabaasha Qoday

    Nin ayaa wuxuu soo bartay cilmiga caafimaadka iyo daweynta. Wuxuu ka gaarey heersare oo wuxuu soo daweeyey ummado fara badan, wuxuuna wax ka soo baray jaamacado calami ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin ayaa wuxuu soo bartay cilmiga caafimaadka iyo daweynta. Wuxuu ka gaarey heersare oo wuxuu soo daweeyey ummado fara badan, wuxuuna wax ka soo baray jaamacado calami ah.

Markii danbe ayuu ku soo laabtay tuuladii reerkiisu deggenaayeen oo cudurro halis ahi ay ka dillaaceen, fayo-dhowrkuna ku yaryahay.

Tuulada dadka deggeni ma aaminsanayn in cudurku uu daawo leeyahay, sidaas darteedna qofkii xanuunsada waxaa la xabaalaa isaga oo nool oo sii qaylinaya. Dhakhtarkii markii uu damcay inuu dadkii daweeyo, uu rakibtay qalabkii shaybaarka, soo diyaarsaday sariirihii bukaanka iyo dawooyinkii loo baahnaa ayaa waxaa u yeeray dadkii xanuunsanaa.

Waxaa kulan albaabadu u xidhanyihiin la qaatay bukaankii oo uu hoggaaminayo nabadoon reer miyi ah oon weligiis wax qorin waxna akhrin. Wuxuu nabadoonku dhakhtarka u sheegay in uu joojiyo daweynta bukaanka isla markaana uu dadka nool ee la xabaalayo wax ka aaso.

Dhakhtarkii wuxuu ku dooday inaanay waxaasi macquul ahayn, ayna waajib ku tahay inuu raaco waxa cilmigu farayo. "Cudurkani waa mid la yaqaan. Waxaa keentay bakteeriyo. Waxaa loo daweynkaraa si fudud” ayuu ku dooday dhakhtarkii.

Nabadoonki ayaa ku amray "adeer qalinka dhig qorigana qaado”. Wuxuu intaas ugu daray adeer mid baan kuu sheegayaa ee dhageyso "tolkaaga iyo kabtaadaba dhexdaa looga jiraa”, "fiqina bahdii kama janno tago, ee waxaanu qabno baad nala qabaysaa”!

Dhakhtarkii wuxuu yidhi: "oo imminka dadka oo nool miyaynu xabaali?”

"Huuno waxaasi waa halaage!”

Waxaa yaab noqotay in dhakhtarkii uu badeelka/majarafadda horay ka qaatay oo ‘xabaal-nololintii’ horay ka bilaabay.


Tolow professor-ka maxaa lagu akhriyey?!

QORE:-Abdisamad Xoday

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip