Bohol ku taal Thailand oo la soo badbaadiyay

0
Sunday July 08, 2018 - 21:30:21 in Wararka by
  • Visits: 554
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bohol ku taal Thailand oo la soo badbaadiyay

    Afar kamid ah koox wiilal ah oo muddo labada toddobaad ah ku go'odoonsanaa bohol kutaal Waqooyiga dalka Thailand ayaa bannaanka loo soo saaray kadib markii koox badbaadiyaal ah ay ku howlanaayeen maalmihiila soo dhaafay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afar kamid ah koox wiilal ah oo muddo labada toddobaad ah ku go'odoonsanaa bohol kutaal Waqooyiga dalka Thailand ayaa bannaanka loo soo saaray kadib markii koox badbaadiyaal ah ay ku howlanaayeen maalmihiila soo dhaafay.

Hase yeeshee waxaa weli ku jira godka ay wiilashan ku go’odoomeen illaa siddeed wiil iyo macalinkooda.Madaxa howlgalka lagu soo badbaadinayo 12ka wiil iyo tababarahooda ayaa sheegay in si wanaagsan ay howlahooda u socdaan.

Balse howlgalka ayaa muddo toban saacadood ah la hakiyay si badbaadiyayaasha ay haamaha neefta ogsijiintu ugu jirto ay u soo buuxsadaan.

Waxaa lagu wadaa in subaxnimada Isniinta howlgalka dib loo bilaabo iyadoo lagu rajo weyn yahay in dhammaan wiilasha iyagoo nool dibada loo soo saaro.

Quusayaasha badda ayaa hagaya 12 wiil iyo tababarahoodii kuwaas oo go’doon ku ah meel mugdi ah oo ay biyo fadhiisteen oo ku taal afka hore ee bohosha Tham Luan ee dalkaas.

Howlgalkan ayaa waxaa ka qeyb qaadanaya quusayaal dunida isaga yimid iyo ciidamada Badda dalka waxaa lagu tilmaamay howlgalkii ugu weynaa ee abid lagu badbaadinayo dad ku go’doomay Bohol ay biyo xireen.

Wiilashan oo la la’aa ayaa Isniintii aynu ka soo gudubnay waxaa helay quusayaal u dhashay dalka Ingiriiska iyagoo ku go’odoonsan meel dhulka hoostiisa ah oo u jirta afka bohosha ay ku dhaceen illaa 4km.

Kooxdan wiilasha ah ayaa da’adoodu u dhexeysaa 11 illaa 16 jir waxana ay ka mid yihiin koox ciyaarta kubbada cagta oo lagu magacaabo Wild Boars waxaana ay bohosha ku dhaceen iyagoo tamashleyn ku jira.Waxa ay qaadatay muddo sagaal maalmood ah in la helo halka ay wiilashan ku go’doomeen. 

wiilal ku gonodoonsan dhulka hoostiisa
 




 
 
 
 
 
 

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip