Mudane Agaasine Qurba joog,waryaa anigu Qorba joog ma ihi ee waxaan ahay Diaspora. =Nasashada Jimcaha.Q-103=

0
Friday July 06, 2018 - 21:35:57 in Wararka by
  • Visits: 665
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mudane Agaasine Qurba joog,waryaa anigu Qorba joog ma ihi ee waxaan ahay Diaspora. =Nasashada Jimcaha.Q-103=

    1-Md. Qaraabo jaceyl ayaa yiri: Nin aan deris aheyn oo qabay Xaas aad u Maseyr badan, ayaa damcay in uu Naag kale la guursado. Isaga oo murugeysan ayaa Xaaskiisii ku tiri: Maxaa kugu dhacay maanta aad ayaad u murugeysan tahaye, waxa uu yiri : Naft

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Md. Qaraabo jaceyl ayaa yiri: Nin aan deris aheyn oo qabay Xaas aad u Maseyr badan, ayaa damcay in uu Naag kale la guursado. Isaga oo murugeysan ayaa Xaaskiisii ku tiri: Maxaa kugu dhacay maanta aad ayaad u murugeysan tahaye, waxa uu yiri : Nafteeyda ayaa halis ku jirta, oo Culimadii ayaa soo saartay Amar ah in ninkii aan Laba Xaas qabin madaxa laga gooyo. Markaa ayey ku tiri: Gacaliye waad ogtahay in aan aad kuu jecelahay, jannana aan kula doonayo. Intii aad Laba Xaas guursan leheyd, shahiidnimo isaga dhimo. (Wadani Somali ah ayaa nin Itobiyaan ah ku yiri: waxaan Rabaa in aan isku keeno Labadii Somali ee xurguftu kala dhax martay. Itobiyaankii ayaa ku yiri: waxaa kuu dhaanta in aad Maddi ahaato si aan wax laguula dhaxlin). (Fiiri sawirka 1aad).

2- Oday Farax oo 75 jir ah ayaa Xaaskiisa ku yiri: Ma xanaaqdaa haddii aad i aragto aniga oo daba ordaya gabdha yar yar. Waxa ay tiri: Maya, oo Eeyuhuba wey dab ordain baabuurta mana wadi karaan.( F.S 2aad)

( Cali dhuglaawe ayaa Nabadoonkii beesha ku yiri: Ma xanaaqdaa haddaad aragto aniga oo isku Sharaxaya Xildhibaan qaran. Odaygii ayaa ku yiri: Maya, Faarx dhuglaawe oo kaa horeeyay ayaa ku fashilmay , kisteydana waan ka duubtay)

3-Nin ayaa Xaas raaliya ah qabay Muddo Sannad iyo Bar ah, mudadaana biilka iyada ayaa Bixineysay. Maalintii dambe ayey ku tiri: Gurigu maanta Biil male. Ninkii ayaa ku yiri: Gurigaan iga hor Siddeed Xaas ayaa lagu qabi jiray, sannad iyo barka aan ku qabo ka hor, weli Biil lagama hadal.

Haweeneyda oo caqli badneyd ayaa ku tiri: Gurigu waa naga dhexeeyaa ee taa ogow, Horaana loo yiri, "Bani aadamku waxa ka maqan ayuu ka hadlaa uuna raadiyaa”. Sannad iyo barka aan is qabno ka hor gurigaan dhib kale waa ka jiri jirtay, laakin Biil la’aanu adiga kaa hor kama jirin, taa ayaana keentay in maanta laga hadlo Biil.

(………………………….?)

4- Nin Reer Baadiyo ahaa oo Naagtiisa amaanayo Ayaa ku yiri: quruxdaadu waxa ay la mid tahay Hasheeydii Maandeeq. Naagtii oo careysan ayaa tiri: Maxaad Geel iigu mataaleysaa, waxaanba ahay Geenyo oo kale.

Ninkii ayaa yiri: kii la doono ha laguugu mitaalo ee Laasim waa in aad Xayawaan ahaato adigu.( F.S. 3aad)

( Mudane Agaasine Qurba joog. Waryaa anigu Qorba joog ma ihi ee waxaan ahay Diaspora. Kaa doonta ahoow, Laasim waa in aad ahaato Nin aan shaqadan khibrad u laheyn).

5-Markii aan yareyn oo aan Tuulada joognay ayaa oday reer miyi ahaa oo la dhihi jiray Ow Xassan Siicoow ,ayaa marka uu xoolaha u soo arooriyo ceelka Tuulada waxa uu Geed Xarar ah hoostiisa noogu sheegi jiray sheekooyin. Maalin sheeka uu noo sheegay ayaan xasuusataa oo ahayd.

Qalabka Ragu( X) markii hore waxa uu lahaa, 5ta Dareeme ee Araga, Maqalka, Uriska, Dhadhanka iyo Dareenka Jirka. Maalintii dambe ayuu codsaday in Araga la tir tiro. Waxa la yiri: Maxaad ku nacday Araga? Waxa uu yiri: waxaan Mar kasta ku sii socdaa meel mugdi ah oo aanan garaneyn waxa aan kala kulmi doono, cabsi ayaana i gasha Gadaal u soo noqoshaduna waa i dhibee. Mr. X waa la indha tiray.

Haddana waxa uu yiri: Dareenka Uriska haleyga baabiyo. Waxaa la yiri: Maxaa dhacay? Wuxuu yiri: Carfta Anniga deriskeyga & halkaan u socdo deriskeedu, ima cajabin. waxaa laga baabiyay Sankii uu wax ku urin lahaa. Haddana waxa uu yiri: maqalka ha leyga qaado. Waxa la yiri: maxaa dhacay? Wuxuu yiri: Anniga deriskeyga iyo halkaan u socdo deriskeeda mar mar waxaan ka maqlaa shanqar i cabsi galisa. Mr. X waa la dhaga tiray.

Waxa uu yiri: Afka haley dhaafo haddan lalaboodo ayaan candhuufta ka tufaa, waana iska soo baxaa. Dareenkana haleey dhaafo, aad ayuu u macaan yahay waana sababta dhan oo igu kaliftay in aan u bareero khatartaa.( F.S 4aad).

( Allaah naguma Salido annagana Madax aan arag dhibka na heeysta, aan maqal Cabashadeena, Aan urin Siifta colaada deriskeena, ee Kaliya Afku( jeebku) ufuran yahay, Dareenkana u reebtay in ay dhibkeena ku raaxeystaan).

6- Wiil ayaa ku yiri Aabihii: Aabe waxaa maqlay in Somaliya, ninku naagtiisa dabeecadeeda Runa ah uuna Aqoon ilaa uu guursado, Ma runaa?. Aabihii ayaa ku yiri: Maandhow, Maddaxduna waa sidaa, xilka ka hor ma taqaanid.

Wiilkii oo careysan ayaa Guriisii tagay kuna yiri: Xaaskiisii Markii aan isguursanay kadib maxaad Faratigii Arooska u tuurtay?. Waxaay ku tiri: dhaqdhaqaaqeyga ayuu yareeynaa. Aabihiiayaa ku yiri: Madaxduna waa sidaa, oo xilka kadib Balantii hore waa tuuraan. ( F.S. 5aad)

FG: ha iska siyaasadeyn, murti kuuma qorine, maaweelada miskiinka ku naso jimcada.



Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip