Barcelona oo qarka u saaran inay dhameystirto saxiixa laacibka reer France

0
Thursday July 05, 2018 - 19:35:49 in Wararka by
  • Visits: 528
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barcelona oo qarka u saaran inay dhameystirto saxiixa laacibka reer France

    Kooxda kubadda cagta ee Barcelona ayaa ku dhow inay lasoo wareegto difaaca kooxda Sevilla ee Clement Lenglet. Sida ay qoreyso majaladda Sport, laacibka Faransiiska ah ayaa u sheegay macallinka kooxda Sevilla ee Pablo Machin iyo agaasimaha ciyaaraha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda kubadda cagta ee Barcelona ayaa ku dhow inay lasoo wareegto difaaca kooxda Sevilla ee Clement Lenglet. Sida ay qoreyso majaladda Sport, laacibka Faransiiska ah ayaa u sheegay macallinka kooxda Sevilla ee Pablo Machin iyo agaasimaha ciyaaraha ee Joaquin Caparros go'aankiisa ah inuu doonayo inuu kooxda isaga tago.

Difaacan dhallinyarada ah ayaa kusii jeeda Blagurana oo ku dhow inay ka dhigto saxiixeeda koowaad ee xagaagan, ka hor Arthur oo la filayo inuu toddobaadka soo aaddan soo caga dhigto Spain. 

Tan iyo markii uu xiddiggan bishii January ee sanadkii hore ku yimid Sevilla qiimo dhan €5m, waxa uu kusoo baxay mid xirfaddiisa iyo tayadiisa ay sare u kac sameyso isagoo soo jiitay indhaha kooxda Barcelona.

Inkastoo si aad ah loola xiriiriyay kooxaha Manchester United iy Real Madrid, haddane waxaa hadda aad ugu dhow Barca oo ciyaaryahakan ku qancisay ku biiritaanka Camp Nou.

Ma jiro ciyaaryahan ka ciyaara difaaca dhexe kaasoo mustaqbalka dambe ay u baxsan karto Barcelona marka laga reebo Samuel Umtiti kaasoo hadda dookha koowaad ka ah safka Ernesto Valverde.

Gerard Pique oo dhex muquuranaya da’da 30-aad ayaa la filayaa inuu bedel u noqdo Lenglet oo 23-jir ah, xill Yerry Mina uu shaki badan ku jiro mustaqbalkiisa halka Marlon Santos laga yaabo in xagaagan la iibiyo.



Wararka ayaa isku qilaafsan cidda bixineyso lacagta lagu burburin karo qandaraaska laacibkan oo ah €35m, xilli wararka qaar ay sheegayaan in ciyaaryahanka qudhiisa uu bixinayo lacagta lagu nasakhi karo heshiiska uu ku joogo Ramon Sanchez Pizjuan.

Sidoo kale Barca ayaa diyaar la ah inay bixiyaan lacagtaas iyagoo horraan heshiis shakhsi ah la gaareen Clement Lenglet.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip