Neymar oo dalkiisa u soo saaray wareegga 8-da ee ciyaaraha adduunka

0
Monday July 02, 2018 - 20:34:54 in Wararka by
  • Visits: 568
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Neymar oo dalkiisa u soo saaray wareegga 8-da ee ciyaaraha adduunka

    Xulka Brazil ayaa u soo gudbay wareegga 8-da ee tartanka ciyaaraha adduunka 2018 kadib markii ay 2-0 ay ugaga badiyeen xulka Mexico. Ciyaaryahanka xulka Brazil ee Neymar Jr ayaa u soo saaray xulkiisa wareegga siddeeda iyadoo ciyaaryahanada caanka ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xulka Brazil ayaa u soo gudbay wareegga 8-da ee tartanka ciyaaraha adduunka 2018 kadib markii ay 2-0 ay ugaga badiyeen xulka Mexico. Ciyaaryahanka xulka Brazil ee Neymar Jr ayaa u soo saaray xulkiisa wareegga siddeeda iyadoo ciyaaryahanada caanka ah ee Messi iyo Ronaldo ay awoodi waayeen inay xulalkooda ka caawiyaan sidii ay ugu soo gudbi lahaayeen wareegga 8-da ee ciyaaraha adduunka.

Xulka Mexico iyo xulka Brazil ayaa ciyaar adag oo farsamo leh soo bandhigey balse qeybtii hore ayaa ku soo dhamaatay goolal la’aan.

Balse la tashiyo kadib labada xul ayaa qeybtii labaad waxa ay sii xoojiyeen awoodooda, daqiiqadii 51aad ayaa kubbad uu ka soo shaqeeyay Willian waxaa dhamaystirey Neymar oo labo bil kahor shaki la gelinayay inuu ciyaari karo tartanka ciyaaraha adduunka ee 2018 sababo la xiriira dhaawac ku soo gaaray tartanka horyaalka Yurub.

Goolka labaad ee xulka Brazil ayaa waxaa u dhaliyay daqiiqadii 89aad Roberto Firmino kadib kubbad uu ka soo shaqeeyay Neymar uu meel taabasho ah ka helay si qurux badan u dhamaystirey.

Ciyaaraha adduunka 2018 ee ka dhacaya dalka Ruushka ayaa sanadkan natiijooyin yaab leh ay ka soo baxeen kadib markii xulal badan oo la filayay inay natiijo fiican ka keeni doonaan tartankan ay noqdeen kuwo aan ka soo gudbin wareega hore iyo wareegga 8da.

Xulalka Jarmalka,Spain,Portuqal iyo Argentina ayaa ka haray tartankan iyadoo loo saadaalinayay in ay xulalkana ku guuleysan karaan koobka adduunka ee 2018.

Sidoo kale xulalkii ka socday qaarada Afrika ayaa dhamaantood lagu reebay wareegga hore ee tartankan halka xulalka qaarada Aasiyana uu hal wadan oo kaliya ka soo gaaray wareegga 16ka.

Illaa iyo hadda waxaa u gudbay wareega 8-da xulalka Ruushka,Croatia,France iyo Uruguay halka xulka Brazil uu ku soo biiray xulalka soo gudbay.Xulka Brazil ayaa la ciyaari doona wareegga 8-da xulalka Belgium iyo Japan dalkii soo badiya.

kulanka Brazil iiyo Mexico




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip