Ciyaarahii Todobaadka Soomaalida ee Minnesota oo shalay ka Furmay Jaamacada St Thomas ee Mag. St Paul

0
Sunday July 01, 2018 - 13:19:58 in Wararka by
  • Visits: 544
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciyaarahii Todobaadka Soomaalida ee Minnesota oo shalay ka Furmay Jaamacada St Thomas ee Mag. St Paul

    Ciyaaraha TodobaadkaSoomaalida ayaa shalay si rasmi ah uga furmay Magaaladda Minneapolis , ciyaarahaanayaa waxaa ka qayb galaya 24 kooxood oo ka kala yimigobolada Maraykanka iyo Canada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciyaaraha TodobaadkaSoomaalida ayaa shalay si rasmi ah uga furmay Magaaladda Minneapolis , ciyaarahaanayaa waxaa ka qayb galaya 24 kooxood oo ka kala yimigobolada Maraykanka iyo Canada.
Madaxa Ciyaarahaan soo qabanqaabinayey naadiga West Banka, Tababare Axmed Ismaaciil ayaa HOL u sheegay inay ugu talagaleen ciyaarahaan inay is dhexgal uga sameeyaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku kala nool goboladda dalkaan Maraykanka dhexdoodanaka abuurno walaalnimo, iyagoo aan isku keeno todobaadka Soomaalidu meel ay jooganba ay xusaan 26 Juun iyo 1 Luuliyo ah maalmihii xoriyada Dalkeena waana barnaamij aan joogteen doono iyadoo sanadkaan uu yahay kii 3aad ee aan qabanaayo ayuu yiri axmed Ismaaciil.


thumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnailthumbnail

Ciyaartii ugu adkeed ee shalay dhacday ayaa dhexmartay Kooxaha TC Starts oo Minnesota ka dhisan iyo Kentucky United waxaana ay ku dhamaatay barbar dhac 1 iyo 1

Ciyaartii kale ee xiisaha laheed ayaa aheed koox ka timi Vancuver Canada oo 2 iyo 0 ugu awood sheegatay kooxdaIowaoo gool la’aan garoonka kala hoyatay.

Ciyaartii Shalay dhexmartay Kooxaha TC stars iyo Kentacky ayaa waxaa loo dhigay Koob lagu Xusaayey Gudoomiyahii hore ee Isboortiga Minnesota Cabdi Cali oo dhawaan ku geeryooday Kenya waxaana Koobkii rigoore ku qaatay kooxdii Kentacky, walow ay ciyaartii caadiga aheed ee tartanka barbar dhac ay Tahay.

Ciyaarahaan ayaa kasocon doonaJaamacada St Thomas oo ku yaal Magaalada St Paul ilaa Maalinta bishaan Luuliyo ay tahay 7 oo la soo gabagabeen doono.


Siyad Said Salah

Hiiraan Online

siyad@hiiraan.com

Minneapolis MN

XIGASHO:-HIIRAAN.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip