Danjire Caalim "WAA INAAN QAADANO GO'AAN GEESINIMO LEH…" Daawo F

0
Sunday July 01, 2018 - 12:37:14 in Wararka by
  • Visits: 746
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Danjire Caalim "WAA INAAN QAADANO GO'AAN GEESINIMO LEH…" Daawo F

    Midowgii Waqooyi iyo Koonfur,1960 /58 sano wali waxaa socda in soomaalida cadaw geedu doonayo in uu dhulkooda qaato maxaa xal inoo ah bal dib u akhri Taariikhdii xornimada shacabka soomaaliyee 1.7.1960 iyo midowga dadka soomaaliyeed waqtigaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Midowgii Waqooyi iyo Koonfur,1960 /58 sano wali waxaa socda in soomaalida cadaw geedu doonayo in uu dhulkooda qaato maxaa xal inoo ah bal dib u akhri Taariikhdii xornimada shacabka soomaaliyee 1.7.1960 iyo midowga dadka soomaaliyeed waqtigaa.

Jamhuuriyaddii Soomaaliya waxay abuurmatay markii ay midoobeen labadii Gobol ee ka kala xuroobay gumaysigii Talyaaniga iyo kii Ingiriiska sanadkii 1960kii, xorriyadda iyo israaca labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur waxaa saldhig u ahaa Soomaalinimo, Jacayl iyo Hilow ay isu qabeen walaalihii gumeysigu kala qoqobay. Dareenka wadaniyadduna waxa uu ahaa xilligaa mid aad u sareeya, ummadda Soomaaliyeedna waxaa ka go’nayd inay mar uun ka hoos baxaan nidaamka adoonsiga ee dhiig miiradka ah. Waxay kaloo ku haminayeen Soomaalidu sidii loo xoreyn lahaa gobollada wali gumeysiga ku hoos jira ee NFD, Somali Galbeed iyo Xeebta Jabuuti, waxaana ka go’naa in aan halganka la joojin tan iyo inta Soomaali-weyn la xoreynayo oo la midaynayo (The Greater Somalia).

jamhuuriyadda soomaaliya ama dokumenti qeexaya qaabka awood qaybsiga midowga kadib; lagama fakarin waxa dhici kara haddii khilaaf yimaado, saameynta uu ku yeelan karo midnimada, iyo qaabka khilaafka loo maarayn lahaa, xalna looga gaari lahaa si loo badbaadiyo midowg dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Fikirkii. (One State One City) wuxuu dhintay 1991dii taasina waa inay ogaadaan mas’uuliyiinta dowlada Faderaalka hogaamisa

Falanqeyn taydu waxay Farta ku fiiqaysaa maxaa xal ah dadka ku nool dhulka


jamhuuriyadda soomaaliya

Dawlad dadkeedii anuu heshiis ahayn oo hal magaalo dagan inay tiraahdo midnimada soomaaliya ayaan masuul ka nahau waa nasiib daro iyadoo wax midaysan anuusan jirin.waqtigan aan joogno

Waa in su’aal la iska waydiiyaa maxaa khaldan oo dadka shacabka soomaaliyeed beenta loogu sheegayaa Iyadoo wax midnimo heshiis lagu ahayn.

Waa in dib loogu noqdaa in la saxo dawladnimada shacabka soomaaliyeed doonayaan iyo nooca midnimo ee ay doonayaan

Khiyaanada dowladaha deriska ah gaar ahaan Itoobiya iyo Kenya waa in hagardaamada iyo dabinnada ay inoo dhigayaan si ay u boobaan dhulka Soomaaliyeed. aan ka hor tagnaa anagoo heshiis wax ku ah

Muhiimadda waxaa weeye, in 58 sano guurada ka soo wareegatay xornimadii inaynu ka baranno in laga fogaado isqabqabsiga siyaasadeed iyo colaadda dhammaadka lahayn ee Soomaalida dhexdooda taalla ku dhowaad 30 sano,

annagoo waqtiga ka faa’iideysanayna waa in fataraaruqa aan ku beddalnaa in la wada hadlo
Hadii dadka degan dhulka la yiraah jamhuuriyadda soomaaliya ay isku afgartaan

In xalka nabada lagu helayo noqonayo somaliland dawladnimo loo aqoonsado

oo ay keenayso midnimo dadka soomaaliyeed isaga celiyaan cadaawada iyo dhul boobka ah ee ay hogaaminayaa kenya iyo itoobiya waa inaan Qaadano Go’aan Geesinimo leh.

Danjire Mahamed Caalim

caalim68@hotmail.com

Halkan Ka Daawo


 

 



 


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip