Miskiinkii waa la sii daayay !!! =Warbixin Xasaasi ah=

0
Friday June 29, 2018 - 22:16:22 in Wararka by
  • Visits: 756
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Miskiinkii waa la sii daayay !!! =Warbixin Xasaasi ah=

    Dad badan ayaa su'aalo ka keenay. Yaa xiray?, maxaa loo xiray? Maxaa loo buun buuninayaa, Ma ogi. Dad ayaa in la xiro siyaasad ahaan u difaacayay, kuwa kale ayaa mucaarad ahaan uga faa'iideeysanay xarigiisa. Yeelakadood.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dad badan ayaa su'aalo ka keenay. Yaa xiray?, maxaa loo xiray? Maxaa loo buun buuninayaa, Ma ogi. Dad ayaa in la xiro siyaasad ahaan u difaacayay, kuwa kale ayaa mucaarad ahaan uga faa'iideeysanay xarigiisa. Yeelakadood.

Aniga waxaa la igu eedeeyay maxaad adiga iyo saaxiibkaa Muse Xabadtafad aad caruurttisa ugu martiqaadeen Hotel weyn oo aad uga soo wadeen ceelasha biyaha ee duleedka Xamar, adigu maxaad caruurta u siisay Lacag.

Waxaan uga jawaabay, Horta ninkaan muddo kooban ayaan aqiin,waxa uu ahaa nin wadaad ah,ka tirsanaa ciidanaka Xooga dalka, wadaniyadu igala muuqatay, waxaan isku baranay Meel bush ah oo aan shaah raqiisa ka wada cabno, kii heli karana bus raaca aan kale la qaybsano, mana ogeyn xattaa in uu ka tirsanaa Gobanima doonka ONLF, taa oo wanaag aan u arko in uu gobanimo doon yahay.sida aan maqlay xarigiisa kadib.

Markaan maqlay xarigiisa waxaan soo xasuustay in uu ahaa nin dhaqaala ahaan aad u liita,waxaan u wacaynay caruurta kamaludiin, cabdurahiin, ibrahim cabdulaahi, caasho iyo hooyadood si aan ula wadaago xanuunka, caruurtana aan u maaweeliyo, Lacagta aan siiyay aad iyo aad ayeey u yareyd,oo anigaaba dhaqaala ahaan liitay, baabuur raac iyo laba maalin Ku mood iga dheh.

Wlh. Cidna kuma xumeyneyn cidna abaal ugama rabin, ee waa waajib diinaya in wixii tabara la iska caawiyo.



Waan ogahay sida goob jooga yaashu sheegeen in sii deeytiisa aan dowladu shaqa Ku leheyn, oo qaraabo iyo asaxaab ay soo daayeen, weyna Ku mahadsan yihiin,intii baraha bulshada iyaga oon aqoon u dooday maxbuus somaliay oo gardaro,gacan cadaw Ku galayna waa mahadsanyihiin.

Axl hadda banaanka ayuu joogaa wixii xigi doona ma naqaan, ee yaan la siyaasadeeyn soo deynta, sidii loo siyaasadeyay xarigiisa, asaga iyo caruurtiisana kulan khayr leh ayaan u rajeyneynaa iyo khaatumo khayr leh.

Qore: Yahya Amir.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip