Sheikh Gafle ha u Gafin!!!. =Warbixin ku saabsan Qaabkii uu Isticmaarka kula dagaalamay=

2
Friday June 29, 2018 - 00:15:17 in Wararka by
  • Visits: 1194
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheikh Gafle ha u Gafin!!!. =Warbixin ku saabsan Qaabkii uu Isticmaarka kula dagaalamay=

    Halgamaa Sh. Cabdi Abiikar Gafle AUN waxa uu ku dhashay tuulada Armadoobe ee Gobalka Sh/hoose sannadkii 1852dii wuxuuna geeriyooday 1922dii. Noloshiisa wuxuu ku dhameeystay inuu dadka diinta baro isaga oo ku wareegayay dhamaan Tuulooyinka deegaanka i

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Halgamaa Sh. Cabdi Abiikar Gafle AUN waxa uu ku dhashay tuulada Armadoobe ee Gobalka Sh/hoose sannadkii 1852dii wuxuuna geeriyooday 1922dii. Noloshiisa wuxuu ku dhameeystay inuu dadka diinta baro isaga oo ku wareegayay dhamaan Tuulooyinka deegaanka iyo in uu Isticmaarka la dagaalo.

Waxaa wax soo baray culumo caan aheyd oo ay ka mid ahaayeen Sh. Cuman sh. Xassan iyo Sh.Maxamud Cabdalle Baarmawaaye. Sh. Gafle ,sannadkii 1888, Afar sanno kadib markii Afrika la qeybsaday ayuu bilaabay in uu ku soo wareego Sh/hoose oo dhan dadkana uu gaarsiiyo in dalka Isticmaar soo galay.

Sanndkii 1892 waxa uu ku guuleystay in uu dadka isku keeno si ay isaga celiyaan isticmaarka waxa uuna ka qaybgalay shirkii Cigale ee looga tashanayay mustaqbalka deegaanka ,sannadkii 1905tii waxa uu weeraray Gumeeystihii soo degay Cigale dhaawac Culus ayaan ka soo gaaray Sh. Gafle.

Laba sanno kadib sannadkii 1907 Isticmaarkii Tayaaniga oo aar gudanaya ayaa gubay Tuulooyinka Ceel Boqol, Mayolo iyo Jaziira, waxa ayna xasuuqeen xoola nool oo u badnaa Lo’ iyo Geel.

Sh. Gafle dagaal rogaal celin ah ayuu ku qaaday Talyaanigii Joogay deegaanka Turuley 9kii Feb.1907 habeen barkii illa Subaxii dambe ee 10kii feb 1907, inkastoo dagaalkaa uu Tayaanigu ku guuleystay isaga oo watay ciidamo tababaran iyo Hub culus ,keenayna keeydkii ciidan ee u joogay Hobyo iyo gobalka Bari, weliba waxa u dagaalmayay ciidama Ajnabi ahaa oo Calooshood u shaqeystayaal ahaa oo dibadda uu ka keenay, waana tan keentay in Taliyihii Ciidamada Talyaaniga Leiut: Gustavo pesente uu ku faano guul in kastoo loo geestay laftoodaJab culus.

FG: Sh.Cabdi Abiikar Gafle ciidamada uu ku dagaal galayay weligii uguma yeerin magac Qabiil,waxa uu ugu yeeri jiray ciidamadii Banaadiri,kana kooban qabiila badan oo Somali ah oo degenaa deegaanka, fiiri muuqaalka dagaal yahanka somaaliga FS 2aa,Ciidamadiisu haba u badnaadeen Qabiilkiisa Biyamaalka, (Sh. Gafle weligii kama qayb galin dagaal qabiil). Ma sheegan Biyamaalnimo, in kasta oo Biyamaalku ay ahaayeen Qabiil lahaa ilbaxnimo hore Fiiri Sawirka 1aad, ee waxa uu doorbiday Heer qaran iyo in uu u dagaalamo sidii uu dalka uga Xoreeyn lahaa isticmaarka , diintana dadka uuu bari lahaa.

Waxa igu qasbay qoraalkan maanta, Waxaan maqlayay waqtiyadaan dambe dad qabiileeynayo Sh. Gafle & Macallin Kabtoole, kuwaa oo ahaay heer qaran, yaan hoos loo dhigin Taariikh heer Qaran ah.waa iga talo.

Waxaa iga codsi ah ,Haddii Qoraalkaan aad aqriso fadlaan u duceey geesiyaashaa una aqri saddax Qulhuwale.



Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip