Natiijooyinkii Koobka Adduunka & Xulal Xaqiijiyay Wareega 16ka

0
Tuesday June 26, 2018 - 19:51:46 in Wararka by
  • Visits: 532
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Natiijooyinkii Koobka Adduunka & Xulal Xaqiijiyay Wareega 16ka

    Group A: Uruguay ayaa markii ugu horeysay ku dhameysatay kalainta koowaad wareega Group-ka koobka addduunka, halka xulka Masar oo watay ciyaaryahanka ugu da'da weyn tartankaan taariikhda ay hareen iyagoon hal kulan badin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Group A: Uruguay ayaa markii ugu horeysay ku dhameysatay kalainta koowaad wareega Group-ka koobka addduunka, halka xulka Masar oo watay ciyaaryahanka ugu da'da weyn tartankaan taariikhda ay hareen iyagoon hal kulan badin.

Group B:Spain ayaa kaalinta ugu sareysa kusoo baxday, halka Portugal ay kaalinta labaad ku dhameysatay xalay.

Ka dib markii laba qaab ciyaareed oo cajiib ah ay sameyeen martigaliyaasha koobka adduunka ee Russia, ugu dambeyn waxaa garaaacay xulka qaranka Uruguay ciyaartii ugu dambeysay Group- A.

Xulka Celeste lagu neynaaso ayaa lumiyay dagaalkii uu ugu jiray inuu ku dhameysto kaalinta koowaad ee Group A kadib markii 3-0 looga badiyay.

Goolasha ayay kaga mahadceliyeen Uruguay Luis Suarez, Denis Cheryshev oo si qaldan isaga dhaliyay gool iyo Edinson Cavani oo raacsaday goolka sadexaaad dhamaadka ciyaarta.

Wareega 16 waxay soo gaareen Uruguay iyagoo seddex guul gaaray, waxaana ay sidookale dhaliyeen shan gool wax gool ahna lagama dhalin.

Labada xul ayaa waqti hore xaqiijiyay wareega isreebreebka ama marxalada wareega 16ka koobka adduunka.

Isla mar Group-kaan, Saudi Arabia ayaa 12 kulan oo aysan badin koobka adduunka soo gabagabeysay kadib markii ay 2-1 kaga badiyeen xulka Masar.

Goolhayaha Masar Essam El Hadary ayaa kulankaas noqday ciyaaryahankii ugu da’da weyn ee abid kasoo muuqday koobka adduunka.

Mohamed Salah ayaa hogaanka u dhiibay Masar ka hor inta Rigoore uusan ku barbareyn Salman Al Faraj, iyadoo Salem Al Dossari goolka guusha u dhaliyay Sauudiga dhamaadka ciyaarta.

Dhinaca kaleGroup B, kulamadiisii xalay ayaa lagu kala baxay kadib markii la ciyaaray 90 daqiiqo oo ku xirneyd natiijada saddex xul oo kujira Group-kaan.

Cristiano Ronaldo ayaaqasaariyay rigoore daqiiqadii 53aad kulankii Portugal ay la ciyaareeen xulka Iran.

Waxay aheyd rigooradii 19aad ee laga dhigo koobka adduunka oo wali la ciyaarayo kaliya kulamadiisa heerka Group-ka.

Guud ahaan ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 1-1, Quaresma ayaa hogaanka u dhiibay xulkiisa qeybta hore ee ciyaarta, Karim Ansarifard ayaa waqtigii dhimashada rigoore ku barbareeyay.

Dhinaca kale Spain ayaa kulan adag oo ay kasoo baxday natiijo aan la fileyn la ciyaartay Morocco.

Khalid Boutaib iyo Youssef Nesyri ayaa laba jeer shabaqa soo taabtay daqiiqadihii 14aad iyo 81aad ee ciyaaarta, iyadoo Isco iyo Aspas ay u barbareeyeen xulka Spaon ciyaar ku dhamaatay 2-2.

Natiijadaan ayaa keentay in Spain Wareega 16-ka ku dhacdo Russia, halka Uruguay iyo Portugal 30ka June is arki doonaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip