Kulamada Galabta & Caawa Laga Dheelayo Koobka Adduunka

0
Tuesday June 26, 2018 - 19:46:36 in Wararka by
  • Visits: 614
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulamada Galabta & Caawa Laga Dheelayo Koobka Adduunka

    Sochi ayaa caawa lagu soo gabagabeyn doonaa kulamada sadexaad ee Group C, iyadoo kulamada oo soo gali doona isku waqti 5:00 Galabnimo Peru ay la ciyaareyso Australia halka ay France ay wajahayaan Denmark. Australia waxay rajeyneysaa guul, halka Pe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sochi ayaa caawa lagu soo gabagabeyn doonaa kulamada sadexaad ee Group C, iyadoo kulamada oo soo gali doona isku waqti 5:00 Galabnimo Peru ay la ciyaareyso Australia halka ay France ay wajahayaan Denmark. Australia waxay rajeyneysaa guul, halka Peru ay u ciyaari doono inay hesho guushii ugu horeysay ee Group C.

Xulka ka dhisan koonfurta America ee Peru ayaa ciyaaraya Koobka Adduunka markii ugu horeeyay muddo 36 sanno ah kadib, lakiin waxa ay durbadiiba la kulmeen dhibaato weyn.

The Incas xulka lagu neynaaso waxay sidoo kale ku laaban karaan ciidooda iyagoon wax guul ah gaarin kadib qasaarihii kasoo gaaray xulalka Danmark iyo France.

Australia ayaa rajeyneysa inay usoo baxdo wareegga 16-ka, haddii ay garaacaan Peru, islamarkaana France goolal badan ku dhaafto Denmark.

Dhinaca kaleDeenishka ayaa rajo fiican ka leh inuu kasoo baxo Group C iyadoo kaaliyaha Tababaraha xulkaan Jon Dahl Tomsn uu ku kalsoon yahay inuu xulkiisa soo gudbi karo.

Croatia oo raadinaya inay sii wadaan bilawga fiican ee koobka adduunka islamarkaana dhigaaan rikoor ayaa caawa wajahaya xulka Iceland.

Iceland waxay u baahan tahay guul iyo natiijada isku mid ah inay ku dhamaato ciyaarta Nigeria iyo Argentina si ay ugu soo baxaan warega 16ka.

Iceland iyo Croatia ayaa isku wajihi dooona Rostov-kulanka ugu dambeeya Group D ciyaaraha Russia 2018 oo soo galaya9:00 PM.

Croatia ayaa sameeyey bilow fiican oo guul xiriir ah labadii kulan ee ugu horeysay wareega group-yada koobka addduunka.

Nigeria ayaa rajo ka yeelatay wareega 16-ka Koobka Adduunka markii Ahmed Musa uu dhaliyay labo gool qeybtii dambe ee ciyaarta kulankii guusha 2-0 ka gaareen Iceland Jimcihii.

Ahmed Musa ayaa laba jeer shabaqa soo taabtay isagoo noqday Nigerig-kii ugu horreeya ee gool ka dhaliya labo Koob Adduun oo kala duwan.

Xulka ka socda Afrika ayaa xaqiijin kara inay kasoo baxaan wareega Group-yada haddii ay garaacaan Argentina kulanka ugu dambeeya Group D oo soo gali doonaa caawa9:00 Fiidnimo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip