Ar Baarlamaankeenu, meeqa dulmi ayuu ka aamusay?=Nasashada Jimcaha.Q-101-aad

0
Saturday June 23, 2018 - 21:15:35 in Wararka by
  • Visits: 723
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ar Baarlamaankeenu, meeqa dulmi ayuu ka aamusay?=Nasashada Jimcaha.Q-101-aad

    1-Eedo Faay oo korineysay wiil ey dhashay iyo Laba kale oo Ninkeeda naag hore u soo dhashay, ayaa 2 xabbo oo Rooti ah caruurta u soo gaday ,Labaddii Rooti waxa ey kala siisay Labadii ey Eedada u aheyd si ey u muujiso in ey jeceshahay ilmaha ey Eedada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

1-Eedo Faay oo korineysay wiil ey dhashay iyo Laba kale oo Ninkeeda naag hore u soo dhashay, ayaa 2 xabbo oo Rooti ah caruurta u soo gaday ,Labaddii Rooti waxa ey kala siisay Labadii ey Eedada u aheyd si ey u muujiso in ey jeceshahay ilmaha ey Eedada u tahay. waxa ayna ku tiri: walaalkiin idinka yar waxba ma heysto, sidaas miyaad ku fiirsaneysaan?.

Labadii wiil ayaa iyaga oo is xilqaamaya midba Bar uga soo gooyay Rootigii uu heystay. Sidaa ayaa wiilkeedii ku helay Hal xabo kaligii, kuwii kalena Bar bar ayey cuneen.( Fiiri Sawirka 1aad)

(Ganacsatada Canshuurta Muqdisho Bixiyoow ma waxaad rabtiin in walaalihiin oo Baahan aad kaligiin, dharagtiin, Maya, Maya. Si cadaalad loo helo adinku canshuurta bixiya, 85% siiya walaalahiin, adinkuna 15% qaata!!!).

2- Macallin Jaamaceed ayaa isaga oo careeysan waxa uu u soo galay fasalka Arday sharciga barata oo Bil kadib qalin jabinaya, si uu ugu dhigo casharkii ugu dambeeyay. Fasalkii ayuu dibadda uga saaray qaar ka mid ah Ardaydii ugu fiicneed.

Xisaddii markii ey dhamaatay ayuu ku war galiyay Ardaydii fasalka ku hartay in kuligood ey Maadadaa ku wada dheceen, dibna u soo daraaseeyaan mar Labaad.

Hormuudkii kuliyadda ayeey u dacwoodeen iyaga oo leh: Macalinku imtixaan la’aan ayuu nagu yiri: waad wada dhacdeen. Hormuudkii ayaa weydiiyay, Macalinkii sababta. Waxa uuna ku yiri: Bil kadib waxa ey shaqo u tagayaan Maxkamadaha dalka, Haddana waxa ey arkayeen Gardarada aan saaxiibadood uga eryay fasalka, kamana ey hadal ee weey fiirsaneeyn dhulmigaa, sidaa darteed kuwani weli ma gaarin heer lagu aamini karo Bulshada.

( Ar Baarlamaankeenu, meeqa dulmi ayuu ka aamusay?. Ma gaareen heer bulshada lagu aamini karo?. Mise Doorashadii ayaa dib loogu celinayaa).

3- Laba Nin oo laba Beerood isku ag lahaa, ayaa mid waxa uu lahaa 2 Sac, midna waxa uu lahaa 30 Sac. Kii Lo’da badnaa ayaa yiri: Saaxiiboow Jiilaal xun ayaa soo socda xooluhuna wey naga baahan yihiin ee aan labada beerood isku darsano, oo aan sameeyno midowga beeraha, Ooda dhaxtaalna aan ka qaadno, waana ka aqbalay. kii Lo’da badnaa ayaa haddana ku yiri: Beerteydu male irda laga soo galo, ee beertaada Afarta irdood leh ayaan kula ilaalinyaa.

(Lo’ badane,Waardiya beereedba uma baahna oo beertiisuna irda male. Ar Abiye Axmadaa!!, Gaarigu waa socdaa ee hortiisa ka leexo yuuna ku jiirine, Horuumarka dhaqaalena ummadda haka hor istaagin). F S: 2 & 3aad.

4-Saddex Dumar ah ayaa meel ku wada fadhiyay, mid ayaa tiri: ii sheega maahmaahyo ku saabsan labada qof ee is qaba?. Mid ayaa tiri : Nin kaagu waa kii hurdada kaaga hor mara, subaxdiina hortaa hiireysta. Tii kale ayaa tiri: Nin kaaga iyo Darawalkaaguba duceey kaa mudan yihiin. Tii kale ayaa tiri: Qofkii ku yiraa, sheikh ma Niikiyo waa beentaa dheh.

( waa maxay xirfadda shaqo ee ragga qabo dumarkaan? ).

5-Oday ayaa maqlay wiilkiisii oo dibadda ka yimid oo xaaskiisu ku leedahay, Haney, Haney. Odaygii ayaa ku yiri: Maandhoow ma magacii ayaad iska bedeshay?. Waxa uu yiri: Maya ee waxa ey ka wadaa Malab, Malab.

Odaygii ayaa yiri: Ar reer Qurbo qaab daranaa, maxeey isaga sheeg sheegee Malabka ninkeed, meey iska dhibac dhibac sato .


(Magacii miyaad iska bedeshay, Maya…Ethio/Somalo hadeey kula fiican tahay ha iska sheeg sheegin, ad lee waaye) FS: 4aad.

6- Nin ayaa naag soo guursaday, markii loo Aqal keenay ayuu arkay in ayna ilka leheyn. Sheikh ayuu u tagay, waxa uuna yiri: shiikhoow arintaan ayaa igu dhacday,waxaana rabaa in aan iska furo. Shiikhii ayaa tusiyay dhaawacya badan oo korkiisa ku yiil, wuxuuna ku yiri: waad nasiib badan tahay.

Ninkii ayaa yiri: shiikhoow side?. Shiikhii ayaa ku yiri: Haddaad is dagaashaan ku qaniini meeyso. FS:5aad.(……………………..).

FG: Qormadaanu Siyaasad waa u egtahay,ee adigu ha siyaasadeeynin.

Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip