Xulka Senegal oo ka badiyay Xulka Poland iyo Ruushka oo Masar Guul ka gaaray

0
Wednesday June 20, 2018 - 00:48:20 in Wararka by
  • Visits: 536
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xulka Senegal oo ka badiyay Xulka Poland iyo Ruushka oo Masar Guul ka gaaray

    Xulka qarnaka Senegal ayaa gaaray guushii kowaad ee tartanka koobka aduunka, iyo walia guushii kowaad ee qaaradda Afrika xulalka u metalaya Russia 2018 kaddib markii ay ka badiyeen Xulka dalka Poland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xulka qarnaka Senegal ayaa gaaray guushii kowaad ee tartanka koobka aduunka, iyo walia guushii kowaad ee qaaradda Afrika xulalka u metalaya Russia 2018 kaddib markii ay ka badiyeen Xulka dalka Poland.

Labada xul ayaa ciyaartooda oo aad u xiiso badneyd waxay ku soo dhsmsstsy Senegal 2-1 ku adkaatay, iyadoo Goolasha ay u kala dhaliyeen Senegal Mbaye Niang iyo gool ay iska dhaliyeen Poland, iyadoo qeybtii hore oo uu isugu shubay Thiago Cionek halka Poland uu goolka daqiiqaddii 86-aad u dhaliyey Grzegorz Krychowiak.

Dhanka kale Senegal ayaa noqotay xulkii kowaad ee Afrikan ah oo guul gaaray tartanka koobka Aduunka ee ka socda dalka Ruushka, waxayna Senegal ay isku dhibco yihiin Japan oo ka adkaatay Colombia kulankii Shalay Galab, markii Japan oo Group H kula jirta Senegal ay 2-1 uga badisay Colombia oo uu roose qeybtii hore ka qaatay mid ka mida ciyaaryahanadeeda.

Xulka qaranka koobka aduunka marti galinaya ee Ruushka ayaa fariin kale u diray qaramada koobka aduunka kadib markii ay guul raaxo leh ka gaadheen Masar oo la kulantay guuldaradii labaad oo xidhiidh ah ee Group A. Masar oo horay waxay guuldaro uga soo gaartay Uruguay, waxaana xalay looga adkaaday guuldaro 3-1 ah iyada oo awoodi wayday in ay soo kabsasho sameeyaan.

Dhanka Ruushka ayaa guusan ku gaartay goolal ka kala yimid Denis Cheryshev , A. Dzyuba iyo waliba goolkii furitaanka oo uu iska dhaliyay xidiga ree Masar ee Ahmed Fathy waxaana Masar goolka madiga ahu saxiixay Mohamed Salah oo rekoore la dhigay ku dhaliyay goolkan.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip