Kabtan Kane oo xiliga dhimashada xulka Ingiriiska guul ka siiyay Tunisia

0
Tuesday June 19, 2018 - 22:39:35 in Wararka by
  • Visits: 493
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kabtan Kane oo xiliga dhimashada xulka Ingiriiska guul ka siiyay Tunisia

    Kabtan Kane ayaa soo idleeyay adkeysigii xulka Tunisia kadib markii xiliga dhimashada uu xulka Ingiriiska u dhaliyay gool qaali ah taasi oo England ka caawisay inay 2-1 ku badiyaan. Kane labada gool uu dhaliyay waxay kaga dhigan tahay inuu muujina

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kabtan Kane ayaa soo idleeyay adkeysigii xulka Tunisia kadib markii xiliga dhimashada uu xulka Ingiriiska u dhaliyay gool qaali ah taasi oo England ka caawisay inay 2-1 ku badiyaan. Kane labada gool uu dhaliyay waxay kaga dhigan tahay inuu muujinaayo hogaamiyaha kowaad England inuu yahay kabtanimadiisana muujinaayo inuu u qalmay.

Harry Kane ayaa xulka Ingiriiska hogaanka u dhiibay daqiiqadii 11-aad kadib markii kubad madax ahayd oo laga celiyay John Stones usoo laabatay Kane kadibna uu shabaqa dhex dhigay.

Goolhaye Mouez Hassen ayaa dhaawac dhanka garabka ah soo gaaray cayaartana laga saaray waxaana lagu badalay Farouk Ben Mustapha taasi oo ka dhigan in Tunisian-ka badal xili hore aysan u baahneyn ay adeegsadeen.

Xidigaha England ayaa fursado badan heleen bilawgii hore cayaarta balse wey iska dayaceen sida Sterling, Alli iyo Lingard.

Sidaa darteed Tunisia ayaa cayaarta dib ugu soo laabteen kadib markii Walker uu xerada ganaaxa ku dhex riixay Fakhreddine Ben Youssef waxaana loo dhigay rigoore.

Ferjani Sassi ayaa gool u badalay rigooradii loo dhigay cayaarta daqiiqadii 35-aad wuxuuna ka dhigay 1-1.

Tunisia ayaa bilaabeen inay cayaarta Ingiriiska la qeebsadeen wuxuuna kulankan isku badalay weerar iyo weerar celis.

Lingard ayaa fursad dahabi ah helay balse wey ka qasaartay kadib markii uu goolhaye Farouk Ben Mustapha ka dul qaaday kubadii sida ay socotay qoriga goosha Tunisia ayay ku dhacday daqiiqadii 44-aad.

Cayaarta ayaa kusoo idlaatay 1-1 ayadoo Ingiriiska iyo Tunisia kubad furan cayaareen sidoo kalena aysan waxba isku reebanin qaybtii hore.

Qaybta labaad cayaarta labadan xul waxba isku reebanin ayagoo sii wateen dadaalkooda dheeriga ah.

Waxaana xusid mudan in xidigaha Ingiriiska fursado wacan iska qasaariyeen markii dambena macalin Southgate wuxuu badal kusoo galiyay Rashford oo cayaarta weerar dheeri ah kusoo kordhiyay.

Laakiin kabtan Harry Kane ayaa England gool qaali ah madaxa ugu dhaliyay daqiiqadii 90-aad markii cayaarta 4-daqiiqo dheeri ah lagu daray.



Kane wuxuu siiyay Ingiriiska guul qaali ah ayagoo 2-1 kaga badiyeen xulka Tunisia oo bandhig wacan iyo kubad adag la imaadeen.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip