Saadaasha Khabiirka Ciyaaraha BBC-da Mark Lawrenson Ee Kulamada Isbuucaan Ee Premier League, Maxay Tahay Saadaashiisa Kulanka Man United v Chelsea?

0
Monday December 28, 2015 - 09:25:36 in Sports News by
  • Visits: 785
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saadaasha Khabiirka Ciyaaraha BBC-da Mark Lawrenson Ee Kulamada Isbuucaan Ee Premier League, Maxay Tahay Saadaashiisa Kulanka Man United v Chelsea?

    Todobaadkaan waxaa la ciyaari doonaa kulamada 19-aad ee horyaalka Ingiriiska waxaana xiiso sii yeelanaya tartanka horyaalka walow kooxda difaacaneysa aysan ku jirin kooxaha haatan isku heysta fooqa sare horyaalka laakin ay dooneyso iney saacada dhina

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Todobaadkaan waxaa la ciyaari doonaa kulamada 19-aad ee horyaalka Ingiriiska waxaana xiiso sii yeelanaya tartanka horyaalka walow kooxda difaacaneysa aysan ku jirin kooxaha haatan isku heysta fooqa sare horyaalka laakin ay dooneyso iney saacada dhinaca kale u rogto waxaana ay caawa wajahayaan kooxda kale ee dhibtooneysa ee Manchester United.

Waxaa weli hogaanka heysa kooxda laga yaaban yahay ee Leicester City kuwaasoo hogaanka ku haya 38dhibcood, waxaana kaalinta labaad ku jirta Arsenal oo iska qasaarisay sabtidii fursad ay hogaanka ku qaban karaan waxaana ay haatan dhibic kaliya ka sareeyaan kooxda kaalinta seddexaad ee Man City halka Tottenham ay sii xajisatay kaalinteeda afaraad.

Lawro ayaa u saadaaliyay kooxda Arsenal inay ka soo kabsaneyso guuldaradii sabtida islamarkaana ay 2-0 ku dubaneyso caawa kooxda Bournemouth oo ay markii ugu horeysay isku arkayaan horyaalka Premier League.

Qabiirka BBC SPort ayaa barbaro 1-1 ah u saadaaliyay kooxaha ay xilli ciyaareedkan ka jiifto ee Manchester United iyo Chelsea oo isku arkaya caawa garoonka Old Trafford, Louis van Gaal uu doonayo inuu badbaadsado shaqadiisa Red Devils.

Lawro ayaa kulanka habeen danbe ee ay Man City martida u tahay kooxda Leicester City waxa uu u saadaaliyay in kooxda Sky Blues ay 2-1 kaga badineyso kooxda hogaanka haatan heysa ee Dawacooyinka Duula, taasoo ka dhigeysa inuu saadaalinayo markii labaad isbuucaan inay Arsenal hogaanka la wareegi doonto.

Habeenka arbacada kooxda Liverpool ayaa marti u ah kooxda Sunderland, waxaana Lawrenson uu guul u saadaaliyay kooxdiisa hore weliba inay 2-0 kaga badinayaan Bisadaha Madow.

Hadaba tartan la gal qabiirka BBC Sport islamarkaana adigana saadaali 10ka kulan ee la ciyaarayo maanta, berri iyo arbacada iskuna barbardhig saadaashiisa uu sameeyay haatan.

Saadaasha Mark Lawrenson







ISNIIN



Crystal Palace v Swansea

1-1



Everton v Stoke
2-1

Norwich v Aston Villa
2-0

Watford v Tottenham
1-2

West Brom v Newcastle
2-0

Arsenal v Bournemouth
2-0

Man Utd v Chelsea
1-1

West Ham v Southampton
0-2

TALAADO



Leicester v Man City
1-2

ARBACO



Sunderland v Liverpool
0-2




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip