DANTA DALKA YAA U DIYAARA? (HALISTA HESHIISKA CUSUB)

0
Monday June 18, 2018 - 13:09:08 in Wararka by
  • Visits: 1209
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DANTA DALKA YAA U DIYAARA? (HALISTA HESHIISKA CUSUB)

    DANTA DALKAAN YAA U DIYAARA? ( Halista Heshiiska Cusub) Dalkaanu wuxuu marayaa marxalad aad khatar u ah waayoo meelo fara badan ayaa duulaan looga soo qaaday, bal ha la isweydiiyo ma jirtaa cid dareemi karta halista nagu soo socota. Somaliya wa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

DANTA DALKAAN YAA U DIYAARA? ( Halista Heshiiska Cusub) Dalkaanu wuxuu marayaa marxalad aad khatar u ah waayoo meelo fara badan ayaa duulaan looga soo qaaday, bal ha la isweydiiyo ma jirtaa cid dareemi karta halista nagu soo socota. Somaliya waa dal aad u nasiib daran kaddib markii hogaanki ay qabteen shakhsiyaad lagu magacaabay Guddomiye Dowlad Goboleed oo aad mooddo in iyaga oo dhan hal meel laga maamulo, wax dan ah oo ay dalkaan u hayaan ma jirto…balse waxaa lagu sifeyn karaa inay yihiin cadawga ugu khatarsan ee dalkaanu leeyahay. Qodobada soo socda haddii aad isho mariso ayaad garan doontaa meesha ay arrimihu marayaan iyo dhibaatada ii muuqata:

1. Maanta waxaa la saxiixay heshiish dhex maray Ethiopia iyo Somaliya  kaddib markii R/wasaare Abi Axmad ku yimid Xamar socdal qaatay saacado kooban oo lagu kala saxiixday heshiis aad khatar ugu ah jiritaanka dalkaan kana kooban 12 qodob. Heshiiska waa mid horey looga shaqeeyay kaddib markii Abi Axmad uu socdaalo ku kala bixiyay dalalka Khaliijka, Masar iyo wadamada ay ka socdaan ciidamada AMISOM.

  1. Arrinta ugu yaabka badan waxay tahay in Ethiopia ay sameysatay maraakiib loogu tala galay inay ka shaqeeyaan 4 furdo oo ka mid ah dekedaha Somaliya, taasoo ay u ballanqaaday dowladda Imaaraatka inay iyadu maalgelineyso mashaariicda ay wadato Ethiopia oo dhan. Imaaraatku waxay siiyeen Ethiopia 1000 malyan oo doolar oo ah abaalmarinta ay ku muteysatay howlaha ay ka fulisay Somaliya kaddib markii Imaaraatku ku fashilmeen siyaasadihi dekedaha.

3Heshiiska maanta la saxiixay waxaa uu si xirfadeysan u dhameeyay damaci Somaliland ay ka qabtay in la aqoonsado, waxaana loogu beddelay in dadka madaxda ka ah Somaliland laga dhaadhiciyo inay ka haraan kana tanasulaan hamigoodi ahaa gooni u goosi ama madaxbannaani.

  1. Waxaad dareemeysaa maalmahan in Somaliland ay khafiifisay hadalladii kululaa ay adeegsan jirtay lagana dhammeeyay inay Somaliya ka mid ahaato. Waxaa tallaabooyinka socda markhaati u ah haddalada ka soo yeeray Feysal Cali Waraabe oo ahaa siyaasiga ugu afdheer ee arrimahan mar kasta ka hadla ee bal u fiirso lahjada uu adeegsanayo oo aad ugu duwan kuwi lagu bartay. Waxaa loogu bishaareeyay in maamulka gobolka Somaliya la yiraahdo oo dhan uu hoos imaanaayo, sida loo qorsheeyay, caasimadda Addis Ababa, waxaana loo ballanqaaday inay noqdaan kuwa ka faaiida mashruucaan.

Haddaba, meel naloo dhaafay ma jirto oo dhinac walba waa nagala soo galay, waxayna maanta middidu ku jirtaa caloosheena, cid wax ka qaban kartaa inay jirtana u maleyn maayo waayoo ma lihin mana qabno diplomaasiyiin garan kara ama akhrin kara heshiis-ku-sheega laga saxiixday M/weyne Farmaajo ood mooddo isagana inuusan dareemin fallaaraha sumeysan ee calooshiisa ka taagan.

Mala heli doonaa siyaasiyiin iyo wadaniyiin dareen leh oo dalkaan ka badbaadi kara burburka iyo baaba’ ku soo socda..mar haddii Madaxdweynihi dalka, saacado kooban, laga saxiixday wixi la rabay isagoo weliba ku faraxsan, yaa waaye cidda laga sugaayo inay dalkaan iyo dadkiisa badbadiso. Ilaa iyo hadda ma heyno cid dareensan ama saadaali karta khatarta heshiiskaan iyo sida looga hortegi karo loona baaji karo inuu u fulo sida loogu tala galay.

Waxaa mudan in la isweydiyo sababta keentay in la beddelo R/wasaarihi hore ee Itoobiya Hailemariam Desalegn oo ahaa nin siyaasadda aqoon dhjeer u lahaa, laakin sababta keentay beddelkiisa waxaan ku qiyaasi karnaa inay ahayd isbeddel weyn oo hadda socda loona adeegsaday siyaasi cusub oo ka duwan Desalegn sida Abi Axmed oo loo xilsaaray fulinta mashaariicdan halista ah ee ka socota geeska Afrika, siiba Somaliya..laakin ma nahay dadki garan lahaa ama maleyn kara waxa nagu soo fool leh.

DANTA DALKA YAA U DIYAARA? (HALISTA HESHIISKA CUSUB)


Howsha deg-dega ah ee la fulinaayo, waxaan u arkaa, inay Imaaraatka la wareegto dekedaha AFARTA ah oo loo badinaayo inay noqdaan Berberra, Boosaaso, Kismaayo iyo Baraawe ama Hobyo!!!

Ugu dambeyn, waxaa iga su’aal ah mala heli karaa diplomaasiyiin dareen leh oo ka mid naqda guddiyada loo adeegsan doono fulinta mashruucaan inta aan caasimadda Muqdisho maamulkeeda loo rarin Itoobiya?

Axmad Calasow



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip