Telegraph: Louis van Gaal Oo Iscasilaya Xitaa Haddii Ay Man United Ka Badiso Chelsea Caawa.

0
Monday December 28, 2015 - 09:20:18 in Sports News by
  • Visits: 751
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Telegraph: Louis van Gaal Oo Iscasilaya Xitaa Haddii Ay Man United Ka Badiso Chelsea Caawa.

    Louis van Gaal ayaa ka tagi kara Manchester United isbuucaan xitaa haddii ay Old Trafford caawa ku garaacaan kooxda Chelsea sida ay qortay saaka jariirada The Telegraph.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Louis van Gaal ayaa ka tagi kara Manchester United isbuucaan xitaa haddii ay Old Trafford caawa ku garaacaan kooxda Chelsea sida ay qortay saaka jariirada The Telegraph.

United ayaan wax guul ah gaarin todobadii kulan ee ugu danbeysay waxaana laga badiyay afartii kulan ee ugu danbeysay ee tartamada oo dhan.

Iyagoo ka haray Champions League islamarkaana kaalinta lixaad kaga jira Premier League, guuldaradii Stoke ka soo gaartay sabtidii ayaa ka dhigtay mid Van Gaal qarka u soo fuula inuu isaga tago Old Trafford.

Waxaa la soo warinayay in guuldarro ka soo gaarta kooxda Guus Hiddink ee Chelsea inay soo gabagabeyn doonto mudadii 18ka bilood aheyd ee uu Louis van Gaal joogay Old Trafford.

Si kastaba, ma cada haddii uu shaqada isaga tagi doono ama haddii ay kooxda ceyrin doonto, iyadoo tababarihii hore ee Barcelona uu shaki dhab ah ka qabo awoodiisa.

Wargeyska Telegraph ayaa sheegaya in gudoomiye ku xigeenka kooxda Ed Woodward inuu taageere u muujiyay haatan Van Gaal laakiin taasi ay isbedeli karto saacadaha soo socda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip