Taageerayaasha Kooxaha Kale Oo Kulanka Man United Iyo Chelsea Ee Caawa U Bixiyay 'El Boringo'. Sababta Maxay Tahay?

0
Monday December 28, 2015 - 09:18:36 in Sports News by
  • Visits: 722
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taageerayaasha Kooxaha Kale Oo Kulanka Man United Iyo Chelsea Ee Caawa U Bixiyay 'El Boringo'. Sababta Maxay Tahay?

    Bishii August labada kooxood ee Man United iyo Chelsea waxaa loo arkayay kooxo awood badan oo hanashada horyaalka tartan adag u geli doona iyadoo qabiiro badan oo daafaha dunida kala jooga ay labadaan kooxood u kala saadaalinayeen hanashada Premier L

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bishii August labada kooxood ee Man United iyo Chelsea waxaa loo arkayay kooxo awood badan oo hanashada horyaalka tartan adag u geli doona iyadoo qabiiro badan oo daafaha dunida kala jooga ay labadaan kooxood u kala saadaalinayeen hanashada Premier League xilli ciyaareedkan.

Haatan ka hor kulankooda caawa ee ay kulmayaan Old Trafford United waxa ay ku jirtaa kaalinta 6aad halka Chelsea ay ku jirto kaalinta 15aad. Iyadoo xilli ciyaareedka Chelsea uu musiibo ahaa ilaa iyo haatan United ayaa iyadana qarka u saaran inay musiibadaas ku dhacdo ka dib markii laga badiyay seddex kulan oo isku xigta oo horyaalka ah.

Lama filaan ma noqon doonto haddii ay labada kooxood ku heshiiyaan inay dhibcaha kala qeybsadaan; barbaro waxa ay uga dhigan tahay in xaalkooda sida uu haatan yahay ku sii hayaan islamarkaana fursad u helaan inay dib isu qiimeeyaan iskuna soo hubeeyaan.

guss-hiddink

Labada nin ee reer Holland Louis van Gaal iyo Guus Hiddink waxa lagu yaqaanaa qaab ciyaareed xagjir ah oo u badan kubad difaacasho iyo koox nidaamsan, waxaana macquul ah inay caawa taxadar dheeraad ah sii sameeyaan taasoo keeni karta natiijo barbardhac ah.

Xaqiiqdiina taageerayaal badan ayaa filanaya in kulanka caawa inuu noqdo mid lagu caajiso. Taageerayaasha kooxaha kale ayaa xitaa naanees cusub u bixiyay kulankaan oo ah El Boringo oo kala yeedaan kulankii caajiska.

Mareegta bulshada ee Twitter ayaa waxaa qabsaday hal ku dhega El Boringo xalayto ilaa iyo maanta meel walba oo looga hadlo kulanka xiisaha ee Man United iyo Chelsea. Waxaana la filayaa in hal ku dhegaas uu caan noqon doono inta uu socdo kulanka haddii aysan kooxaha ciyaaraya soo bandhigin sabab uusan caan ku noqonin hal ku dhegaas.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip