Ciyaartii adkayd ee Qaramada Spain iyo Portugal oo ku soo dhamaatay Bar Baro 3-3 ah iyo Ronaldo oo wacdarodhigay

0
Saturday June 16, 2018 - 12:47:20 in Wararka by
  • Visits: 508
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciyaartii adkayd ee Qaramada Spain iyo Portugal oo ku soo dhamaatay Bar Baro 3-3 ah iyo Ronaldo oo wacdarodhigay

    Xulalka qaramada Spain iyo Portugal ayaa kulan waali ahaa oo ka tirsanaa Group B dhibcaha ku qaybsaday kadib markii ay barbaro 3-3 ah qaab layaableh ugu kala baxeen. Cristaino Ronaldo ayaa saddexley goolal ah dhaliyay halka Diego Costa uu isna laba g

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xulalka qaramada Spain iyo Portugal ayaa kulan waali ahaa oo ka tirsanaa Group B dhibcaha ku qaybsaday kadib markii ay barbaro 3-3 ah qaab layaableh ugu kala baxeen. Cristaino Ronaldo ayaa saddexley goolal ah dhaliyay halka Diego Costa uu isna laba gool u saxiixay xulka qarankiisa Spain laakiin Nacho ayaa isna dhaliyay gool layaableh oo taariikhda Spain xusi doonto.

Qaranka Portugal ayaa laba jeer oo qaybtii hore ah hogaanka ciyaarta la wareegay laakiin markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad Spain ayaa laba gool oo deg deg ah dhinaca kale natiijada ciyaarta ugu dhigtay balse Cristiano Ronaldo ayaa dhamaadkii ciyaarta Spain ka horjoogsaday guusha ay gaadhayeen wuxuuna qarankiisa ka badbaadiyayay guuldaro niyadjab wayn ahaan lahayd oo uu soo gaadhaysay.

Portugal iyo Spain ayaa min hal dhibic ka helay kulankii kowaad ee Group B waxaana hogaanka groupkan 3 dhibcood ku qabtay xulka qaranka Iran oo gool soo daahay oo ay Marocco iska dhalisay guul layaableh ku gaadhay.

Dhanka kale ciyaarta waalida ahayd ee Portugal iyo Spain ayaa ku dhamaatay barbaro 3-3 ah waxayna labada xul qaran awoodeen inay dhibcaha kulankii kowaad ee group B ay qaybsadaan iyada oo jamaahiirta aduunku markii ugu horaysay daawadeen kulan xiisaha koobka aduunka si wayn sare ugu qaaday.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip