Koobka Adduunka oo goordhow ka furmi doona dalka Ruushka

0
Thursday June 14, 2018 - 22:43:17 in Wararka by
  • Visits: 508
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Koobka Adduunka oo goordhow ka furmi doona dalka Ruushka

    Koobka Adduunka ayaa ka bilaaban doona dalka Russia maanta, waana dhacdada ugu weyn kubadda cagta taasoo afartii sanaba mar lagu qabto wadamada hoos yimaada ururka ugu sarreeya kubadda cagta FIFA.Fanaanka caanka ah ee Robbie Williams ayaana madadaali

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Koobka Adduunka ayaa ka bilaaban doona dalka Russia maanta, waana dhacdada ugu weyn kubadda cagta taasoo afartii sanaba mar lagu qabto wadamada hoos yimaada ururka ugu sarreeya kubadda cagta FIFA.Fanaanka caanka ah ee Robbie Williams ayaana madadaali doono qof walba oo ku sugan garoonka ama shaashadda ka daawanaya tartanka muddo 30-daqiiqo ka hor bilaabashada kulanka.Ruushka ayaa markii ugu horreysay martigalin doonta, waxeyna la ciyaari doonaan kulanka ugu horreeya Saudi Arabia kuwaas oo leh rajada fiican oo ay kusoo gaaraan wareega 16-ka koobka Aduunka.

Waxaa la filayaa in furitaanka tartankan uu goobjoog ka noqdo madaxweynaha dalka Ruushka Vladamir Putin iyadoo balaayiin dollar ay ku qarash gareeysay dowlada Ruushka martigelinta ciyaaraha Adduunka.

Xulka Russia oo aan guul gaarin shantii kulan ee ugu dambeysay ayaana doonaya iney iska dhaqaan ceebta ka heysata koobka Aduunka isla markaana ay dadkooda hortooda ku gaaraan guul taariikhi ah.

Tartankan ayaa waxaa ka qeybgalaya 32 dal waxaana loo kala qeybiyay 8 guruub, wadamada la saadaalinayo inay hantaan koobkan ayaa waxaa ka mid ah Germany,Spain,Brazil,Argentine iyo England.

Group A: Russia, Saudi Arabia, Egypt, Uruguay

Group B: Portugal, Spain, Morocco, Iran

Group C: France, Australia, Peru, Denmark

Group D: Argentina, Iceland, Croatia, Nigeria

Group E: Brazil, Switzerland, Costa Rica, Serbia

Group F: Germany, Mexico, Sweden, South Korea

Group G: Belgium, Panama, Tunisia, England

Group H: Poland, Senegal, Colombia, Japan

Ciyaaraha aduunka ee dalka Ruushka
3of 9
 
 
 
 
 
 
 
 
 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip