FIIRSO: Muuqaal Naxdin Leh Shacabka Muqdisho Askarta Sideey U Garaacayan?

0
Thursday June 14, 2018 - 13:39:51 in Wararka by
  • Visits: 1250
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FIIRSO: Muuqaal Naxdin Leh Shacabka Muqdisho Askarta Sideey U Garaacayan?

    Shaaciye.com-Toogashada iyo dilalka tooska ah ee lagu haayo dhallinyarada ku shaqeysata Bajaajta ayaa kusii xoogeysanaya magaalada Muqdisho, tan iyo markii ciidan dheeraad ah lagu daadiyay Muqdisho, jidadkiina la xiray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shaaciye.com-Toogashada iyo dilalka tooska ah ee lagu haayo dhallinyarada ku shaqeysata Bajaajta ayaa kusii xoogeysanaya magaalada Muqdisho, tan iyo markii ciidan dheeraad ah lagu daadiyay Muqdisho, jidadkiina la xiray.

Wiil dhalinyaro ah oo Xalay meydkiisa la keenay xarunta dambi baarista ee CID sidoo kale shalay oo qura 3 ruux ayaa laga dilay darawaliinta Bajaajta.

Dilalkaan waxaa si bareer ah u geysta ciidanka Xasilinta ee Muqdisho. Wadayaasha Bajaajtu waxey ku doodayaan in aaney wax cadaalad ka helin laamaha Amniga iyo garsoorka. Arrintaan ayaa si maalinle ah u dhacda.

"Maalin walba dhowr qof ayaa nagala dilaa bilaa sabab, wadooyinkii waa naga xirteen, waligaa ma aragtay qof loo toogtay Bajaajle uu dilay dartii, wax cadaalad ah ma helno, canshuur ayaan bixinaa bil walba waxaana Dowladu noola dhaqantaa sidii dad aan waxba galin, fadlan fariintan dadka naga gaarsii ayuu igu yiri mid ka mid ah wadayaasha Bajaajta.

Arrintaan waa mid xasaasi ah, jidadkoo xiran iyo meyd joogto ah ma qaadan karto Muqdisho. Waa iney Dowladu curisaa falsafad midaan ka duwan. Sidoo kale waa iney cadaaladu qabataa ciidankan dhalinyaradii laayay, oo ay laamaha garsoorku shaqeeyaan.

HALKAAN HOOSE KA DAAWO





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip