RASMI: Isku Aadka Horyaal Premier League Fasal Ciyaareedka 2018/2019 Oo Lasoo Saaray & Kulamada Isbuuca Koowaad Oo Holac Ah.

0
Thursday June 14, 2018 - 12:44:21 in Wararka by
  • Visits: 649
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    RASMI: Isku Aadka Horyaal Premier League Fasal Ciyaareedka 2018/2019 Oo Lasoo Saaray & Kulamada Isbuuca Koowaad Oo Holac Ah.

    Isku Aadka Horyaalka Premier League-ga fasal ciyaareedka cusub ayaa lasoo saaray iyadoo kulamada isbuuca koowaad ay yahiin kuwa holac ah kadib kulankii maanta ay isku yimaadeen xiriirka FA-ga Ingiriiska iyo maamulka horyaalka Premier League.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isku Aadka Horyaalka Premier League-ga fasal ciyaareedka cusub ayaa lasoo saaray iyadoo kulamada isbuuca koowaad ay yahiin kuwa holac ah kadib kulankii maanta ay isku yimaadeen xiriirka FA-ga Ingiriiska iyo maamulka horyaalka Premier League.

Kooxda difaacaneysa horyaalka ee Manchester City ayaa kulanka ugu horeeya tijaabo adag kala hortagi doonta kooxda Gunners oo aan heysan 22-sano kadib tababare Arsene Wenger, waxaana iska hor imaan doona laba tababare oo u wada dhashay Spain kuwaas oo mar kasoo wada xamaashay horyaalka La Liga.

Manchester United waxey nasiib ku yeelatay iney kulanka ugu horeeya horyaalka ku ciyaarto fasal ciyaareedka cusub gurigeeda, waxeyna Old Trafford kusoo dhaweyn doontaa kooxda Leicester City.

Kooxda tiigatay final-ka Champions League ee Liverpool waxey kulanka furitaanka la ciyaari doontaa West Ham oo fasalkii dhamaaday ku sigatay iney heerka labaad u laabato, balse markaan dooneysa iney kaalinteeda qaadato.

 

Pellegrini ayaana dib ugu soo laabashadiisa horyaalka Premier League la kowsanaya inuu booqdo garoonka Anfield Road oo ay neceb yahiin kooxaha iney booqdaan.

Kooxda soo dalacday ee Cardiff City waxey la ciyaari doontaa Bournemouth halka Fulham ay Craven Cottage kula ciyaari doonto Crystal Palac.

KULAMADA ISBUUCA UGU HOREEYA:

Bournemouth v Cardiff City

Arsenal v Manchester City

Fulham v Crystal Palace

Huddersfield Town v Chelsea

Liverpool v West Ham United

Manchester United v Leicester City

Newcastle v Tottenham Hotspur

Southampton v Burnley

Watford v Brighton

Wolves v Everton




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip