Saakay iyo waxyaabihii ay Wargeysyada ka qoreen Suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda

0
Wednesday June 13, 2018 - 11:15:36 in Wararka by
  • Visits: 552
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saakay iyo waxyaabihii ay Wargeysyada ka qoreen Suuqa kala iibsiga Ciyaartoyda

    Waxaan dib u amba qaadi doonnaa xubinteenii Saakay iyo Wargeysyada oo inoo socon doona inta uu ka xiramayo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda insha'alaah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaan dib u amba qaadi doonnaa xubinteenii Saakay iyo Wargeysyada oo inoo socon doona inta uu ka xiramayo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda insha'alaah.

Waxaan si joogta ah idin kugu soo gudbin doonaa wararka Xanta ee ku aadan ciyaartoyda inta uu furan yahay Suuqa.

Weeraryahanka Atletico Madrid Antoine Griezmann, 27-jir ayaa sheegay inuu qaatay go’aan ku aadan mustaqbalkiisa, laakiin wiilka reer France ayaa diiday inuu caddeeyo halka uu ka ciyaari doono kal ciyaareedka soo socda. (ESPN)

Manchester United ayaa go’aansatay inaysan 50-milyan oo bound ugu dhaqaaqin daafaca Tottenham iyo xulka England Danny Rose, 27-jir. (Telegraph)

Goolhayaha Manchester United David De Gea 27-jir ayaa waxaa bartilmaameedsan kara Real Madrid, Wiilka reer Spain wuxuu xiriir fiican la leeyahay macallinak cusub ee Real Julen Lopetegui. (Mail)

Macallinka Newcastle United Rafa Benitez ayaa si dhab ah ugu fakiray xilka xulka Spain kaddib markii Lopetegui loo Magacaabay macallinka cusub ee Real Madrid.(Northern Echo)

Newcastle United ayaa la arkaa inay u baahato inay jabiso Rikoodhkeeda suuqa kala iibsiga haddii ay doonayaan inay kooxda dib ugu soo celiyaan 22-jirka reer Brazil ee Kenedy, Chelsea waxay doorbideysaa inay iibiso xiddiga garabka ka ciyaara halkii ay Amaah dib ugu diri lahayd. (Chronicle)

Chelsea ayaa qarash gareyn doonta 30-milyan oo bound si ay u soo xero galiso xiddiga qadka dhexe ee Aston Villa Jack Grealish, 22-jir. Blues ayaa sidoo kale dooneysa inay Grealish amaah ugu celiso Aston Villa xilli ciyaareedka 2018-19 , laacibka reer England ayaa doonaya inuu Villa Park sii joogo 12-bilood oo kale. (TeamTalk)

Chelsea ayaa Juventus kula loolameysa saxiixa daafaca Atletico Madrid iyo xulka Montenegro Stefan Savic, 27-jir. (Sky Sports)

Dhanka kale, Macallinkii Napoli Maurizio Sarri ayaa weli ah musharaxa la doorbidayo inuu xilka Chelsea ka badelo Antonio Conte. (Evening Standard)

Kooxda xafidaneysa Premier League ee Manchester City ayaa ku guul darreysatay inay heshiis kordhin waqti dheer ah la gaarto xiddiga garabka ka ciyaara ee reer England Raheem Sterling 23-jir. (Sky Sports)

Liverpool ayaa ka fikireysa dooqyadeeda Goolhaye kaddib markii ay Roma sheegtay inaysan iibin doonin goolhayaheeda reer Brazil Alisson Becker, 25-jir. (Liverpool Echo)

Xiddiga qadka dhexe ee Yacine Adil, 17-jir ayaa mustaqbalkiisa u balan qaadi doona PSG iyadoo ay jirto in lala xiriirinayo inuu u dhaqaaqao Arsenal. (RMC)

Manchester United uma diyaarsana inay bixiso 60-ka milyan ay Juventus ku dooneyso daafaceeda reer Brazil ee Alex Sandro 27-jir. (Daily Record)

Manchester United ayaa loo soo bandhigay fursada ay kula soo saxiixaneyso xiddiga qadka dhexe ee PSG Marco Verratti 25-jir. Wiilka reer Talyaani ayaa la warinayaa inuu doonayo inuu xagaagan ka soo tago qalcada Parc des Princes. (Calciomercato)

Xiddiga qadka dhexe ee Sevilla Steven N’Zonzi ayaa sheegay inuu doonayo inuu u ciyaaro koox wayn. 29-jirka reer France ayaa lala xiriirinayay inuu u soo dhaqaaqo Arsenal. (Sun)

Xiddiga qadka dhexe ee NiceJean-Michael Seri ayaa doonaya inuu xagaagan u soo dhaqaaqo Ingiriiska, Arsenal iyo Chelsea ayaa wada xiiseynaya saxiixa 26-jirka reer Ivory Coast. (L’Equipe)

Waxaa kuu Diyaariyay: Abdisamed Mohamed Hassan(Black Yare)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip