Xiddig Kaliya Oo Si Ogaa In Tababare Lopetegui Noqon Doono Tababaraha Real Madrid Xilli Ciyaareedka Dambe Oo La Ogaaday

0
Wednesday June 13, 2018 - 10:18:44 in Wararka by
  • Visits: 517
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xiddig Kaliya Oo Si Ogaa In Tababare Lopetegui Noqon Doono Tababaraha Real Madrid Xilli Ciyaareedka Dambe Oo La Ogaaday

    Wargayska Marca ayaa shaaca ka qaaday sidii ay xiddigaha xulka Spain uga fal celiyeen markii ay maqnleen in tababaraha xulka qaranka Spain ee Julen Lopetegui noqon doono tababarah Real Madrid shaqadana ka badali doono tababare Zinedine Zidane.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wargayska Marca ayaa shaaca ka qaaday sidii ay xiddigaha xulka Spain uga fal celiyeen markii ay maqnleen in tababaraha xulka qaranka Spain ee Julen Lopetegui noqon doono tababarah Real Madrid shaqadana ka badali doono tababare Zinedine Zidane.

Kooxda Real Madrid ayaa shalay shaacisay in ay tababare u magacawday 51 jirka Julen Lopetegui isaga oo shaqada Los Blancos qaban doona laga bilaabo xilli ciyaareedka dambe shaqadana ka badali doona Zinedinez Zidane oo iska casilay booskaas.

Wargayska ayaa sheegaya in xiddiga ahna kabtanka xulka qaranka iyo kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos uu ahaa xiddiga kaliya ee aan la yaabin warka uu tababare Julen Lopetegui ugu qabtay shaqada Real Madrid kadib markii lagu dhawaaqay warkii.

Xiddigaha Spain intooda badan ayuu ka muuqday u qaadan waa kadib markii ay maqleen warka xilli ay ku jireen tababarkii isku diyaarinta koobka adduunka

.Xiddig Kaliya Oo Si Ogaa In Tababare Lopetegui Noqon Doono Tababaraha Real Madrid Xilli Ciyaareedka Dambe Oo La Ogaaday

Si kasta ha ahaatee Sergio Ramos ayaa ka war qabay arintaas isaga oo xiriir la lahaa madaxweynaha kooxda Real Madrid kaas oo u sheegay tababaraha cusub ee kooxda

Sidaas darteed Ramos ayaa ahaa xiddiga kaliya ee aan ka fal celin go,aanka uu tababare Julen Lopetegui ku noqday kooxda Real Madrid.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip