Qiimo Lacageedka Ay Real Madrid Ku Burburineyso Heshiiska Uu Julen Lopetegui Kula Jiro Xiriirka Kubadda Cagta Spain Oo La Shaaciyay.

0
Wednesday June 13, 2018 - 09:56:40 in Wararka by
  • Visits: 508
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qiimo Lacageedka Ay Real Madrid Ku Burburineyso Heshiiska Uu Julen Lopetegui Kula Jiro Xiriirka Kubadda Cagta Spain Oo La Shaaciyay.

    Real Madrid ayaa shalay ku dhawaaqday in tababare JulenLopetegui uu la wareegi doono xilka tababaranimo ee kooxda kadib koobka Aduunka, wuxuuna badal buuxa u noqon doonaa tababare Zinedine Zidane oo isaga tagay kooxda maalmo kadib markii uu u hogaami

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Real Madrid ayaa shalay ku dhawaaqday in tababare JulenLopetegui uu la wareegi doono xilka tababaranimo ee kooxda kadib koobka Aduunka, wuxuuna badal buuxa u noqon doonaa tababare Zinedine Zidane oo isaga tagay kooxda maalmo kadib markii uu u hogaamiyay koobkoodii 13-aad ee horyaalada yurub.

Los Blancos waxey magacaabeysaa tababarahii afaraaad 4-tii sano ee lasoo dhaafay, waxaana kooxda laga ceyriyay Carlo Ancelotti iyo Rafael Benitez ka hor inta aan Zidane la magacaabi.

Haddaba Real Madrid waxey ku qasban tahay iney bixiso lacagta lagu jabin karo heshiiska uu tababare JulenLopetegui kula jiro xiriirka kubadda cagta Spain, waana 2 Malyan oo Euro.

"Xiriirka kubadda cagta Spain waxey heli oonaan lacagta lagu jabin karo heshiiska Julen sidaas darteed ayuu macalinka ugu saxiixi karaa Real Madrid” ayaa lagu qoray bayaan kasoo baxay kooxda Los Blancos




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip