Zidane oo loolan cusub diyaar u ah & kooxaha premier league ka ciyaara kooxdee ugu dhaw in ay la saxiixato

0
Saturday June 09, 2018 - 00:11:26 in Wararka by
  • Visits: 501
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Zidane oo loolan cusub diyaar u ah & kooxaha premier league ka ciyaara kooxdee ugu dhaw in ay la saxiixato

    Zidane ayaa baadi goob ugu jira sida uu koox cusub u qaban lahaa ka dib markii uu si lama filaan ah uu Real Madrid uga soo dhaqaaqay bishii lasoo dhaafay dhamaadkeeda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Zidane ayaa baadi goob ugu jira sida uu koox cusub u qaban lahaa ka dib markii uu si lama filaan ah uu Real Madrid uga soo dhaqaaqay bishii lasoo dhaafay dhamaadkeeda.

Faransiiska macalinkan u dhashay ayaa Bernabeu kula guuleystay saddex jeer oo xiriir ah tartanka champions league kaasoo kooxda taariikh u dhigay.

Sidoo kale Pires, oo lix sano horyaalka premier league kasoo shaqeynayey Arsenal ayaa aaminsan Zidane inuu diyaar u yahay inuu maamule u noqdo kooxaha reer England.

45-sano jirkan ayaa lala xeriirinayey shaqda Chelsea, Blues waxaa ay rajo ka qabtaa inuu badal u noqdo Conte oo ay surta gal tahay in kooxda laga buriyo.

"markii aan ka hadalno arinta Zidane, macalimiinta ugu wanaagsan ayuu ku jira” Pires ayaa sidaa Sky Sports ugu waramay.

"sababto ah labadii sano iyo barka ee lasoo dhaafay wuxuu ku guuleystay dhamaan tartamada”

"waxaa ay ila tahay in arin wanagsan ay aheyd inuu Real Madrid kasoo dhaqaaqo, wuuna jecelyahay inuu loolan cusub sameeyo”

Chelsea ayaa ah kooxda ugu dhaw ee macalinkan la saxiixan karto inkastoo ay dhowr hogaamiyaal kale ay suuqa ka dooneysay bilooyinkii lasoo dhaafay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip