Hordhaca: Man City v Sunderland: Sky Blues Oo Doonaysa In Tubta Guusha Ku Soo Laabto Kadib Guuldaradii Emirates Stadium Ee Arsenal Ka Soo Gaadhay Iyo Vincent Kompany Oo La Filayo In Uu Soo Laabto

0
Saturday December 26, 2015 - 15:06:50 in Sports News by
  • Visits: 775
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hordhaca: Man City v Sunderland: Sky Blues Oo Doonaysa In Tubta Guusha Ku Soo Laabto Kadib Guuldaradii Emirates Stadium Ee Arsenal Ka Soo Gaadhay Iyo Vincent Kompany Oo La Filayo In Uu Soo Laabto

    Kulanka: Manchester City Vs Sunderland Garoonka: Etihad Stadium Waqtiga: 6:00 galabnimo ee saacada geeska Afrika Garsooraha:A. Taylor

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka: Manchester City Vs Sunderland Garoonka: Etihad Stadium Waqtiga: 6:00 galabnimo ee saacada geeska Afrika Garsooraha:A. Taylor

Kadib markii ay guuldaro xanuun badan kala soo laabatay kulankii Emirates Stadium ee isniintii, Manchester City ayaa kulamada Boxing day-ga garoonkeeda Etihad Stadium ku soo dhawayn doonta kooxda horyaalka ugu hoosaysa ee Sunderland. Sky Blues ayaa dagaal ugu jirta sidii ay dib ugu soo laaban lahayd kaalmaha hore ee horyaalka, waxayna kulanka Sunderland kadib talaadada la ciyaari doontaa kooxda Leicester City.

Sunderland ayaa xili ciyaareedkan ku dhibtoonaysa horyaalka Ingiriiska, waxayna kulankii hore guuldaro 3:1 ay kala soo laabtay kooxda Chelsea. Pellegrini ayaa kooxdiisa ka doonaya in ay jawaab fiican ka bixiyaan guuldaradii niyadjabka lahayd ee Arsenal ka soo gaadhay isniintii aan soo dhaafnay.

Man City vs Sunderland
Maxaa Cusub?

Manchester City ayaa la filayaa in ay dib u soo dhawayn doonto kabtankeeda ay u jabtay ee Vincent Kompany, difaaca dhexe ee saamaynta badan ee Kompany ayaa City ka maqnaa sideedii kulan ee ugu danbaysay, waxaana la filayaa in uu kulanka Sunderland soo laabto.Kompany

Difaaca midig ee Pablo Zabaleta oo jilibka dhaawac ka qaba,Fernando oo muruqa uu dhaawac ka soo gaadhay iyo Samir Nasri oo isagu waqti dheer maqnaan doona ayaa dhamaantood seegi doona kulanka Sunderland.

Liiska Kooxda City ee kulanka Sunderland: Hart, Caballero, Zabaleta, Sagna, Kompany, Mangala, Otamendi, Demichelis, Kolarov, Clichy, Toure, Fernandinho, Fernando, Delph, De Bruyne, Sterling, Silva, Navas, Aguero, Bony, Iheanacho.

Dhinaca kooxda martida noqon doonta eeSunderland, waxaa ka maqnaan doonaYounes Kaboul waxaana la filayaa in uu todobaadyo sii maqnaan doono.Lee Cattermole ayaa ku soo dhawaanaya in uu soo laabto wuxuuna la la tacaalayaadhibaato dhabarka ah, laakiinJeremain Lens ayaa liiska Sunderland lagu soo daray kadib markii anshax marin lagu sameeyay.Jack Rodwell ayaa kulanka Etihad Stadium ganaax ku seegi doona kadib markii uu urursaday shan kaadh oo digniin ah, waxaana dhaawac jilibka ah ku maqnaan doonaSebastian Larsson.

Liiska Kooxda Sunderland ee kulanka City: Pantilimon, Mannone, Jones, Yedlin, Van Aanholt, O’Shea, Coates, Brown, M’Vila, Gomez, Johnson, Lens, Toivonen, Borini, Fletcher, Defoe, Watmore, Graham.

Ma Ogtahay?

  • Manchester City ayaa tobankii kulan ee ugu danbeeyay ee horyaalka Ingiriiska la ciyaartay Sunderland afar ka mid ah guuldaro kala kualntay , afar kulan ayay ka guulaystay halka ay laba kulan barbaro ku dhamaadeen, laakiin Sky Blues ayaa xili ciyaareedkii hore Sunderland labada guriba ku garaacday.
  • Sunderland ayaa laba kulan oo kaliya soo guulasytay 10 kii kulan ee ugu danbeeyay ee ay soo ciyaartay kulamada maalinta boxing day, afar kulan ayay barbaro gashay afar kulana way soo guuldaraystay.
  • Manchester City ayaa hal kulan oo kaliya soo guuldaraystay sideedii kulan ee ugu danbeeyay oo ay soo ciyaartay kulamada maalinta boxing day, lix kulan ayay soo guulasytay hal kulana barabro ayay soo gashay.
  • Jermain Defoe oo hadda Sunderland ka tirsan ayaa lix gool ka soo dhaliyay 10 kulan oo maalinta boxing day-ga uu ciyaaray.
  • Manchester City ayaa soo guulasytay 15 kulan oo ka mid ah 19 kii kulan ee ugu danbeeyay oo ay Etihad Stadium ku soo ciyaartay horyaalka Ingiriiska, saddex kulan ayay soo guuldaraystay hal kulana barbaro ayay gashay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip