Pep Guardiola oo toddobaadka cusub labo saxiix oo waa weyn sameyn doona

0
Thursday May 31, 2018 - 12:05:02 in Wararka by
  • Visits: 504
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Pep Guardiola oo toddobaadka cusub labo saxiix oo waa weyn sameyn doona

    Kooxda Manchester City ayaa wadda dadaallo ay ku adkeyneyso safkeeda xilli ciyaareedka dambe si tartan-ka Champions League-ga ay natiiji fiican kaga keenaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Manchester City ayaa wadda dadaallo ay ku adkeyneyso safkeeda xilli ciyaareedka dambe si tartan-ka Champions League-ga ay natiiji fiican kaga keenaan.

Pep Guardiola ayaa doonaya inuu qarash gareeyo lacago qiyaastii dhan £100m oo uu kusoo qaadan doono laba laacib oo ka kala ciyaara khadka dhexe iyo garabka midig.

Horraan waxa ay Citizens kala heshiiyeen saxiixa Riyad Mahrezkooxdiisa Leicester City oo ay isku af garteen lacag dhan £60, waxaana la filayaa in lasoo gabagabeeyo toddobaadka soo aaddan.

Dhanka kale Jorginho oo diiday inuu ka hadlo mustaqbalkiisa ayaa la fahansanyahay inay ku qalqaaliyeen mushaar dhan £80,000-toddobaadkii, iyagoo dalab u gudbinaya kooxdiisa Napoli.

Wararka ka imaanaya Italy ayaa sheegay in ay labada kooxood ku dhowyihiin inay isla meel dhigaan heshiis £42m oo xiddiggan ugu wareegi doono horyaalka Premier League-ga kooxda ku guuleysatay.

Laacibka Brazil dhalad-ka ah balse qaatay dhalashada Talyaaniga wakiilkiisa oo lagu magacaabo Joao Santos ayaa qirtay in ay soo dhoweynayaan u hayaamidda Manchester City, balse waxa uu caddeeyay inay ka war sugayaan go’aanka kooxda Napoli.

Macallinka reer Spain ee hooggaamiya kooxda Manchester City ayaa doonaya inuu ka fara-dhaqdo howsha labadan ciyaaryahan toban-ka maalmood ee soo aaddan, se lama hubo midka noqon doono saxiixa koowaad ee xagaaga kooxda City.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip