Melez Miyaa Mengistu Ka Malabsanaa?

0
Wednesday May 30, 2018 - 21:32:59 in Wararka by
  • Visits: 749
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Melez Miyaa Mengistu Ka Malabsanaa?

    Waxan fiirsaday caawa xaflad aan loo kala harin oo lagu qabtay xarunta safaaradda Ethiopia ku leedahay Muqdisho, laguna xusaayey sannad guuradii 28-daad ee ka soo wareegtey markii keli talisti Mengistu la riday. Waxan ka naxay in dad Soomaaliyeed oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxan fiirsaday caawa xaflad aan loo kala harin oo lagu qabtay xarunta safaaradda Ethiopia ku leedahay Muqdisho, laguna xusaayey sannad guuradii 28-daad ee ka soo wareegtey markii keli talisti Mengistu la riday. Waxan ka naxay in dad Soomaaliyeed oo xafladda isugu tegey ka koobnaayeen senatarro, xildhibaano gole shacab, wasiirro iyo shacabweyne. Waxa kale oo aan ka naxay in siyaasiyiintii qaar goobta ka sheegeen sida Mengistu u xumaa oo cadaw ugu ahaa Soomaaliya, iyada oo laga wadey in Melez u fiicnaa, una roonaa Soomaalida.

Waxa ii soo baxdey in siyaasiyiinta maanta qaar la socdaan dabaysha oo in ay sawiraan waxa iman doona mustaqbalka iska dhaafe ee aysan xattaa rabin ama xusuusan xasuuqii iyo gummaadkii uu Melez Zenawi Soomaaliya ka geystey, welina dabargointii uu billaabay socotaa.

Soomaalida uu Melez laayey oo waraabaha ku cunay duurka, haadda iyo habar dugaag kalana uga dambeeyeen iyo ciidda oo faraha la geliyo yaa badan?

Waxan hadalladii caawa la jeediyey u gartey in cadaw loo adeego waa arki jirey, laakin waa ii kow in af labdii la dhawaaqo oo dal Soomaaliyeed gudahiis ammaan loo soo jeediyo Melez iyo wixii ka farcamay.

Kor waayeel waa wada indho ee waxa ii soo baxday in siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo goobta ka hadlay lahaayeen: Solomon, boqorkii Abyssinia, waxa ka fiicnaa Mililiq; waxa Mililiq ka fiicnaa Xeyle Salassiye; waxa Xeyle Salassiye ka fiicnaa Mengistu; waxa Mengistu ka fiicnaa Melez Zenawi; waxa Melez ka fiicnaa Xeyle Maryam; waxa Xeyle Maryam ka fiican Axmad Abiyi; anigana leeyahay intaba waa dameer iyo labadiisa dhegood, haddii Acmad Abiyi inta kale ka xumaan waayana meeshii aan kaa taabto biya iska mari. Ugu dambayntii, qofkii dhiig lahow, waxa dalku kaaga baahanyahay daba qabasho ee haddaad jiifto toos; haddii aad fadhido istaag; haddii aad istaagan tahana dhaqaaq oo u diyaar garow isbeddel dhab ah, In Shaa Allaahu.

Prof: Ahmed warfa




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip