UEFA oo laga yaabo in ay baadho sida dhaawacu u gaadhay Maxamed Salaax

0
Tuesday May 29, 2018 - 08:09:58 in Wararka by
  • Visits: 678
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    UEFA oo laga yaabo in ay baadho sida dhaawacu u gaadhay Maxamed Salaax

    Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa ka fiirsanaya suurtogalnimada in uu bilaabo baadhitaan ku saabsan dhaawaca gaadhay xidigga Liverpool, Maxamed Salaax, ee ku dhaawacmay mar ay isku dhaceen isaga iyo Sergio Ramos oo ah kabtanka kooxda Real M

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa ka fiirsanaya suurtogalnimada in uu bilaabo baadhitaan ku saabsan dhaawaca gaadhay xidigga Liverpool, Maxamed Salaax, ee ku dhaawacmay mar ay isku dhaceen isaga iyo Sergio Ramos oo ah kabtanka kooxda Real Madrid ciyaartii kama dambasyta ahayd ee tartanka horyaalka Yurub.


.
Lahaanshaha sawirka

UEFA ayaa BBC-da u sheegtay in gudiga anshaxu dhacdaa eegayey laga bilaabo markii ciyaartu dhamaatay habeenimadii Sabtida.

Hase ahaatee af-hayeen u hadlay UEFA ayaa sheegay in aanay weli soo gaadhin cabasho rasmi ahi oo ka timid kooxda Liverpool iyo Salaax toona.

Maxamed Salaax ayaa waxa dhaawacu ka soo gaadhay ciyaartii kama dambaysta ahayd ee koobka horyaalka Yurub ee ay iskaga hor yimaadeen kooxdiisa Liverpool iyo Real Madrid oo guushu 3-1 ku raacday.

Salaax waxa uu saftay soddonkii daqiiqo ee ugu horeeyey ciyaarta, laakiin waxa tabaraha kooxdu go'aansaday inuu bedelo maadaama oo dhaawac soo gaadhay, waxaana loo malaynayaa in garabka iyo gacantu kala baxeen.

.

Inkasta oo uu dhaawacaasi gaadhay ayaa hadana Salaax waxa uu doonayey in uu ku sii jiro ciyaarta hasse ahaatee way ku adkaatay oo isaga oo ilmo ka qubanayso ayuu ka baxay garoonka.

Waxaanay khubaradii ka faaloonaysay ciyaartu sheegeen in dhacdadaasi niyad jab weyn ku noqotay kooxda isla markaana ay sidaa ku waaweeyn ciyaartoy farsamo fiican oo uu ciyaarta kooxda ku dhiso lahaa iyo xagal daac ku yimid hindisihii ciyaareed ee tabobaraha kooxda.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip