Qiso aad umuhiima oo la turjumay oo ku anfaci doonta bisharamadan

0
Sunday May 27, 2018 - 09:16:02 in Wararka by
  • Visits: 678
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qiso aad umuhiima oo la turjumay oo ku anfaci doonta bisharamadan

    Markaan dhinto ma murugoon doono muhiimadana ma saari doono jidhkayga baaliyoobay, walaaladayda muslimiinta ah ayaa qaban doona waxa ku waajibka ah :-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markaan dhinto ma murugoon doono muhiimadana ma saari doono jidhkayga baaliyoobay, walaaladayda muslimiinta ah ayaa qaban doona waxa ku waajibka ah :-

1.waxay iga saari doonaan maryahayga

2. waay i maydhi doonaan
3.way i kanfi doonaan
4.Gurigayga bay iga saari doonaan
5.waxay ii qaadi doonaan gurigayga cusub (Qabriga)
6. dadbadan baa iman doona jinaasadayda , iskaba dhaafe qaar badan baa usoo halayn doona shaqooyinkoodi iyo balamihii ay lahaayeen inay i aasaan daraadeed.

Iyagoo qaar badani ay yihiin maalina qaar aan ka fikirin inay ii nasteexeeyaan .

7. waxyaabo ayaa iga hadhi doona waxa ka mida :


furahaygii gaadhiga ……
shandadaydii ….
kabahaygii …
maryahaygii ….

Taas oo ehelkayga sadaqayn doonaan si ay ii anfacdo .

u fiirsada aduunyada iima murugoon doonto
mana joogsan doonto dhaqdhaqaaqi caalamka
dhaqaalihii wuu sii socon doonaa
shaqadaydiina waxaa iman doona qayrkey si uu uqabto
xoolahaygiina waxay u tagi doonaan ayagoo xalaal u ah dadkii dhaxlayay .

waxa ugu horeeya ee iga dhici doona wuxu noqon doonaa magacayga sida daraadeed markaan dhinto waxa lay odhan doonaa (maydka)
magacaygana iiguma yeedhi doonaan !!!
markay doonayaan inay igu tukadaan oo ay soo diyaariyaan jinaasadayda
iiguma yeedhi doonaan magacayga ..
markay damcaan inay i aasaan waxay odhanayaan soo dhaweeya maydka .. magacaygana iiguma yeedhi doonaan .

sidaa daraadeed waxba iima tarayo nasabkaygii iyo qabiilkaygii waxbana iima tarayo booskii aan lahaa umada dhexdeeda iyo caan nimadaydii .

maxaa ka macna yar aduunyada oo maxaa ka wayn waxa inagu soo waajahan ….

hadaba kaagan nool ee qoraalka aqrinayoow waxaad ogaataa cida kuu murugoonaysa waxay noqon doonaan sedex nooc :

1. dadkii ku yaqaanay si guud waxay dhahayaan miskiin allah haw naxariisto .

2. saxiibadaa waxay murugoon donaan saacado kooban maalmo kadib waxay isaga noqon doonaan sheekooyinkoodii . iyo qosoladoodii

3. murugada qotada dheer waxay ahaan doontaa dhanka guriga
waxay murugoon doonaan ehelkaagu wiigag , bil , laba bilood ama sanad.

intaa kadib waxay ku dhigi doonaan qaybta xasuusta !!!!

way dhamaatay sheekadaadi dadka dhexdiisa waxaa bilaamay sheekadaadi dhabta ahayd waa aakhiro .

waxaa kaa suulay oo kaa dhamaaday :

1. quruxdaadii
2.maalkaagii
3.caafimaadkaagi
4.caruurtaadii
5.guryahaagii iyo fooqyadaadii
6.Guurkaagii iyo xaaskaagii

kumana hadhin ilaa camalkaagii mooyaane .
waxaa kuu bilaamatay noloshaadii dhabta ahayd

suaasha hadaba taala waxay tahay :

maxaad u diyaarsatay qabrigaaga iyo aakhiradaada hadda???

Tani waa xaqiiqo u baahan in loo fiirsado……

sidaa daraadeed ku dadaal :

1. waxayaabaha ilaahay ku faray
2. sunayaasha
3. sadaqada hoos loo bixiyo
4. camalka wanaagsan ee saalixa ah
5. salaada habeenki la tukado ( salaatu laylka )

waxa laga yaabaa inaad badbaado .

saacadaha aad xasuusiso dadka qoraalkan adigoo nool
waxaay ku gu reebi doontaa raad misaankaaga maalinka qiyaame idamka allah …

ilahay wuxu dhahay waani waanada waxay anfacaysa dadka iimaanka laga helay ( وذكر فإن الذكرى تنفع المؤمنين )

muxuu u doortaa qofka maydka sadaqada hadii lagu soo celin lahaa aduunyada ?

siduu ilaahay inoo sheegay :
rabigayoow hadii dib laygu dhigo mudo yar wxaan la bixi lahaa sadaqo ( رب لولا أخرتني إلى أجل قريب فأصدق )

muu odhan :

aan cimraysto
aan salaad tukado
ama aan soomo

culimadu wxay dhahaan
sadaqada muu xusin ilaa arinkeeda oo wayn mooyee wuxu arkay raadka wayn ee ay leedahay markuu dhintay kadib

hadaba badiya sadaqada

waxyaabaha ugu fadliga badan wxaad sadaqadaysato hada 10 ilbidhiqsi oo wakhtigaaga ka mida sii si aad u faafiso hadalkan adigoo u niyaysanaya waaninta walaalahaga kale ..

Kalmada wanaagsani waa sadaqo      </div>
    <div class=



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip