Adiga oo Mas'uul ah haddii aad tiara aan isla xisaabtano ee lagula xisaabtamo, ha xanaaqin hana suuxin=Nasashada Jimcaha.Q-97aad.

0
Friday May 25, 2018 - 23:41:26 in Wararka by
  • Visits: 760
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Adiga oo Mas'uul ah haddii aad tiara aan isla xisaabtano ee lagula xisaabtamo, ha xanaaqin hana suuxin=Nasashada Jimcaha.Q-97aad.

    Wax Akhyaar loogu maahmaahana malehe. 1-Wiil iyo Gabar Saaxiibtii aheyd oo Darbi ku sheekeysanay isna taataabanaya ayaa markii ay kala tagayeen Gabadhi ku Tiri : Bbe, Kalmad wadnaheygu la Boodboodo oo Jaceylkeena khuseeya hal mar ma ii sheegi kartaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wax Akhyaar loogu maahmaahana malehe. 1-Wiil iyo Gabar Saaxiibtii aheyd oo Darbi ku sheekeysanay isna taataabanaya ayaa markii ay kala tagayeen Gabadhi ku Tiri : Bbe, Kalmad wadnaheygu la Boodboodo oo Jaceylkeena khuseeya hal mar ma ii sheegi kartaa? . Wiilkii ayaa si deg deg ah u fekeray kuna Yiri Macaanto: Aabaha ayaa Gadaashena soo Socda, wuuna arkayay caawa oo dhan wixii aan sameyneynay. Gabartii waa suuxday.( Fiiri Sawirka 1aad)

(Adiga oo Masuul ah haddii aad tiara aan isla xisaabtano ee lagula xisaabtamo, ha xanaaqin hana suuxin, illey adigaa talada keenaye, hantiduna waa naga wada dhexeysaa, isla xisaabtankuna ceeb ma ahan, Aakhiraba isla xisaabtanku waa jiraa).

2-Nin Qurbaha ka yimid ayaa Qarabadiisii Waxaa ay Ku Mehriyeen Gabar Yar oo 18 jir ah, "Laakin Xamar soo xureysay”.

Ninkii ayaa habenkii 1aad ee Aqal gal galka, la kulmay aduunyo waasac ah, Subaxdii ayuu Gabartii ku yiri: Xamar gadaasheyda ayuu isbedelay, hantidaan shan sanno ku guurso u tacbayayna waa khasaartay. Aniguna Kuwii meeshan saan u galay ayaan guri u dhisay, ee u sheeg Howshoda ha sii wateen. ( FS: 2aad)

( Horaa loo yiri: Nin weeynu haduu arooso 18jir, waa sida adoo soo iibsaday joornaal, adigaa iska leh joornaalka, laakin dadka kale ayaa kula aqrisanaya , Mar mar waa dhacdaa).



3-Wiil ayaa Saaxiibadii waxa ay ku yiraahdeen Gabartaan quruxda badan ee Boosaaso ka timid Guurso. Waxa uu ku yiri: Guursan maayo. Waxa ay weydiiyeen maxaad ku diiday?. Waxa uu yiri: kharaj ma heysto. Waxa ay ku yiraahdeen saaxiibadiis Kharajka Arooska annagaa kaa bixineyna.

Waxa uu yiri: Maya, Maya, Nolosheeda oo dhan wixii kharaj ku baxa ma iga bixineysiin?. Waxaa la yiri: maxaa dhacay, ma xaaskaaga ayaadan biilan Karin?. Wuxuu yiri: Reer Boosaaso ma taqaaniin, Saaxiibteed ayaa ii sheegatay, Mingis ayaa laga mudeeyay, Habar Jiniya ayaa la socota waxaana lagula balamay : Markii Gabadhu ay guursato ayaa lagaa xoola siinayaa oo lagaa Tacbayaa. Taa ma adinkaa ila bixinaya , arooska kadib waad iga tageysiin. Anigu ma Jini ayaan biili karaa, Reer Barigu waa dad caqli badan, Somalida Ciyaaraheedu waa Free laakiin reer Barigu "Hal ciyaar oo Mingis la yiraa, ayey qabaan iyadiina lacag ayey ka dhigeen”.( FS: 3aad).

(Haddii adiga oo masuul ah, Dowlad ajnabiya ay kuu balan qaado in ay Mashruuc kuu qabanee, ha fiirin lacagta laguu hor marinayo, ee fiiri sii wadida mustaqbalka ee mashruuca, waa iga talo).

4-Oday ayaa wiilkiisii oo Ciyaalka Xaafada ah ku yiri: Groob wanaagsan oo hal gabar oo kaliya leh, oo xaafadda soo degtay ayaan kugu darayaa " Single mother”. wiilkii ayaa yiri: Aabe iga qaleey, taa mar hore ayaa "Robert Mugabe” noo sheegay, Waligaa ma daawatay ciyaar ku bilaabaneeso 1-0. ciyaartu xiisa male. ( FS: 4aad).

( Maamul gobaleedyadu, hanaga dhaafeen ciyaarta ay ku bilaabayaan 1-0)

5-Dr Jacfar Mohamed, oo ku taqasusay Cudurka Sokorta "Diabetic” ayaa Haweneey la qabo u soo qoray in ay iska ilaaliso dhamaan Waxii Macaan ah ugu yaraan Muddo 4 bilood ah. Saddax billod kadib ayaa ninkeedii oo safar ku maqnaa soo laabatay.

Odaygii oo xaraaradeysan ayaa habeenkii isku dayay in uu la falaado xaaskiisa, kuna yiri: Macaanto caawa waa…. Markaa ayey ku tiri: iga joog Gacaliye, hal bil ayaa ii dhimane, dhaqtarka ayaa iga mamnuucay wax macaan oo dhan Muddo 4 bilood ah…. Dr. Jacfaroow dadka u macnee Macaanka, intaan Odayaashu ku inkaarin.

( Ciidamada Xasilinta sii fiican haloogu sheego, Xasilinta waxa looga jeedo)

6-: Nin Faruuran ayaa la Falaadi jiray Naag Xaafada la deganeed oo uuna qabin, habeen Saq dhexe iyaga oo Howshooda wata ayey ku tiri: Gacaliye anigu dadka Xaafadaan degan waan Nacay. wuxu yiri: Maxaa dhacay?. Waxa ay ku tiri: Habeen iyo Maalin waxa ay igu caayaan Sharmuuto iyo waa tumataa. Faruureey ayaa ku yiri: Waa dad khaldan Anigaba waxa ay i yiraaheen Faruureey.

Waxa ay ku tiri: Laakin adigu waa faruuran tahay waa sax. Faruureey ayaa ku yiri: Xaafaduna waa saxan tahay, Hadda waa maxaay waxa aan sameeyneeyno, ma anigaa ku qabo, soow ma ihid waxa ay kugu sheegayaan, Ciyaarta ha naga qasin.
( FS: 5aad).

(Nin wasiir cusub ah, ayaa saaxiibkii oo isaguna wasiir hore ahaa ku yiri: Saaxiiboow Nus million Dollar ayaan Bishaan shaqeeystay ee xisaabtaada Bangiga iigu shub, dadkani waa hadal badan yihiin, waxaan ka baqaa Shaqaalaha Bangigu in ay i kashifaan oo i yiraahiin waxaa tahay Tuug. Kii kale ayaa ku yiri: Anagaba Dowladeenii idinka horeysay waxa ay na dhihi jireen Tuugaa tihiin. Wasiirkii cusbaa ayaa ku yiri: Laakin Dowladiinii hore Tuuga waad eheedeen. Wasiirkii hore ayaa ugu jawaabay: Adinkana? Lacagtani maxey tahay?, magaaladan miyaa Nus million Dollar hal bil laga shaqeey karaa. Dadku waa saxan yihiin).

FG: Ugaas Ciise & Jacfar na waa Mahad sanyihiin)

Qore: Yahya Amir



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip