Guardiola oo qorsheenaya in Barcelona uu ka dul qaado bar-tilmaameedkeeda ugu muhiimsan ee suuqa xagaaga

0
Thursday May 24, 2018 - 10:03:18 in Wararka by
  • Visits: 537
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guardiola oo qorsheenaya in Barcelona uu ka dul qaado bar-tilmaameedkeeda ugu muhiimsan ee suuqa xagaaga

    .Barcelona ayaa waxay bar-tilmaameed buuxa ka dhiganeysaa saxiixa difaac cusub, kadib marka uu furmo suuqa kala iibsiga ee soo aadan, sababa la xiriira in shaki la galinayo mustaqbalka Samuel Umtiti.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.Barcelona ayaa waxay bar-tilmaameed buuxa ka dhiganeysaa saxiixa difaac cusub, kadib marka uu furmo suuqa kala iibsiga ee soo aadan, sababa la xiriira in shaki la galinayo mustaqbalka Samuel Umtiti.

Samuel Umtiti ayaa helaya dalabyo dhowr ah, wuxuuna iska diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa Barcelona.

Barcelona ayaa u dirsatay wakiiladeeda in ay u soo indho indheeyaan xaalada difaaca reer Holand iyo kooxda Ajax Matthijs de Ligt, si ay kaga dhigato badalka Samuel Umtiti.

Laakiin Manchester City ayaa loolanka qeyb kasoo noqotay, sababa la xiriira in qaab ciyaareedka xidigan uu la dhacsan yahay macalinka rer Spain ee Pep Guardiola.

Pep Guardiola ayaa qorsheenaya in Matthijs de Ligt uu ka dhigto badalka kabtanka Skay Blues Vincent Kompany, oo inta badan la kulmo dhaawacyo joogta ah uu kooxda kaga maqnaado kulamo dhowr ah




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip