Madaxweynihii hore ee dalka Zimbabwe ayaa mar diiday in dalkiisa la soo geliyo KHAMADI mucaawino ah. Madaxii WFP (oo aan ahayn nin African ah) ayaa hay'addu ku qasabtay inuu booqasho shaqsi ah ku tago Zimbabwe si uu arrintaan uga soo dhaadhiciyo ninka macangagga ah ee Robert Mugabe, halkii uu kaligiis aadi lahaa wuxuu horey u sii watay sarkaal ka shaqeeya WFP dhalasho ahaanna kasoo jeeda dalka Soomaaliya si uu ula fududeeyo ka dhaadhicinta Mugabe KHAMADIGA mucaawinada ah.
Markii ay wada yimaadeen Zimbabwe waxaan si degdeg ah loogu gudbiyey aqalka madaxtooyada, sidaan ayuuna u dhacay wada-sheekeysigii dhexmaray Mugabe iyo saraakiishii ka socotay WFP:
Mugabe (oo indhihiisa ay si toos ah u eegayaan sarkaalka Soomaaliga ah si cadna u inkiraya kan caddaanka ah” waana agaasimaha WFP): ayaa ku yiri Soomaaligii” dalkee kasoo jeeddaa?
Soomaaliga:Waxaan ahay Soomaali.
Mugabe: Ooh… Soomaaliya… Maxaa ku dhacay Soomaalia walaalkey iga yaroow, Markii aan ku jirnay dagaalkii aan xornimada ku raadineynay todobaatameeyadii ayaad aad noo caawiseen. Maxaan kuu qabtaa walaal ii sheeg.
Soomaaliga: Maxaad ula jeedddaa madaxweyne?
Mugabe: Maxamed Siyaad Barre ayaa noo sameeyey wax uusan noo sameyn hoggaamiye kale oo African ah, Xiriir ayaan la sameynay Siyaad Barre innoo aad u itaal daran oo aan dhaqaalo lahayn aadna ugu baahan kaalmo military. Waxaan ka codsannay inuu na siiyo 1 million oo doolar iyo qalab nagu filan oo aan wax uga qabanno sahaydeenna military bil dheeri ah.
Markiiba wuxuu noo soo diray diyaarad military taasoo Muqdisho na keentay. Waxaa nala dejiyey hotelka ugu qurxoon oo aynaan ka hor Africa ku arkin( WAA HOTELKA JUBBA) saddex maalmood oo aan hotelkaas degganeyn waxaan sugeynay marna shaki naga galayey in codsigeenna la aqbalay ama la iska indha-tiray. Innagoo is leh Hotelka waa la idinku hilmaamee halkee u baxsataan ayaa madaxii shaqaalaha madaxtooyada Albaabka noo soo garaacay. Waa naxsaneyn innagoon ogeyn waxa aan rajeyneyno inaan helno.
Madaxii shaqaalaha Siyaad Barre wuxuu nagu war-geliyey in madaxweynuhu doonayo inuu na arko. Waxaan aadnay xilli dambe oo habeen ah. Madaxweyne Siyaad waa na dhageystay shaqsiyanna wuxuu ii xaqiijiyey in Soomaaliya ay dooneyso inay aragto Africa oo xor ah oo ay taageereyso qof kasta oo la dagaallamaya gumeysiga. Intii uu madaxweynuhu nala hadlayey ayaa madaxii shaqaalaha ee madaxtooyada noo keenay boorso madow, yaab ayey nagu noqotay markii aan aragnay 5 million oo dollar halkii aan ka sugeynay 1 million.
Intaas waxaa noo dheeraa in madaxweyne Siyaad na siiyey sahay lagu raray diyaarad military oo sanado badan keyd noo noqon karta. Miyaan abaalkiinna gudi karnaa Soomaaliyeey, waxaad safka hore uga jirteen halgankii xornimo-doonka ee Africa haddana adinkaa isku jeestay marnaba abaalkiinna ma gudi karno”
Muddo saacad ah Mugabe qiiro iyo dareen kacsanaan ah ayuu ku jiray illaa markii dambe ay indhihiisa u soo jeesteen agaasimihii caddaanka ahaa ee WFP isagoo la hadlayana wuxuu yiri-
Mugabe: Ninyahow caddaanka ah, Ma waxaad iga dooneysaa inaan ogolaado KHAMADIGA inaad noo soo dhoofiso, Hagaag waan saxiixayaa waraaqda.
Qoraalkan waxaa Tarjumay Bashiir Max’uud.
TAARIIKH:- Halgankii Xurrnimada Zimbabwe Iyo Doorkii Soomaaliya!!!
Madaxweynihii hore ee dalka Zimbabwe ayaa mar diiday in dalkiisa la soo geliyo KHAMADI mucaawino ah. Madaxii WFP (oo aan ahayn nin African ah) ayaa hay'addu ku qasabtay inuu booqasho shaqsi ah ku tago Zimbabwe si uu arrintaan uga soo dhaadhiciyo