Xilliga lagu dhawaaqi doono saxiixa Griezmann oo la shaaciyay!

0
Friday May 18, 2018 - 23:54:04 in Wararka by
  • Visits: 510
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xilliga lagu dhawaaqi doono saxiixa Griezmann oo la shaaciyay!

    Kooxda Barcelona ayaa si xooggan loola xiriiriyay weeraryahanka kooxda Atletico Madrid ee Antone Griezmann, kaasoo la qiyaasay inuu ciyaaray kullankiisii ugu dambeeyay Atletico Madrid ciyaartii ay 3-0 koobka Uefa Europa League-ga uga qaadeen Olympiqu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Barcelona ayaa si xooggan loola xiriiriyay weeraryahanka kooxda Atletico Madrid ee Antone Griezmann, kaasoo la qiyaasay inuu ciyaaray kullankiisii ugu dambeeyay Atletico Madrid ciyaartii ay 3-0 koobka Uefa Europa League-ga uga qaadeen Olympique Marseille.

Majaladda Spain kasoo baxda ee AS ayaa ogaatay in laacibkan uu wada hadallo kula jiray kooxda Balugrana tan iyo bishii November ee sanadkii lasoo dhaafay, waxaana lagu qanciyay kusoo biiritaanka Camp Nou.

Labada dhinac ee kala ah laacibka iyo kooxda ayaa ku wada qancay heshiis hoose oo ay wada gaareen, waxaana uu madaxweynaha Barcelona mudane Josep Maria shaaciyay inay la fariisan doonaan kooxda Atletico Madrid si ay ugula soo wareegaan weeraryahanka faransiiska ah.



Barcelona ayaa dooneysa inay shaaciso saxiixa xiddiggan ka hor koobka adduunka ama laba toddobaad gudahood, markaas oo ay si rasmi ah ugu dhawaaqi doonaan inuu 26-jirka Atletico Madrid weerarka uga ciyaara.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip