AKHRISO: Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay Doxa iyo ujeedka Safarkiisa

0
Sunday May 13, 2018 - 12:26:15 in Wararka by
  • Visits: 315
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AKHRISO: Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay Doxa iyo ujeedka Safarkiisa

    Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhow ka Ambabaxay Magaalada Muqdisho waxaana uu kusii jeeddaa Magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qadar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goor dhow ka Ambabaxay Magaalada Muqdisho waxaana uu kusii jeeddaa Magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qadar.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ah , Wasiiro, xildhibaano iyo diblumaasiyiin sarsare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Ujeedka safarkan ayaa ah sidii loo kala saxiixan lahaa heshiisyo badan oo dhinaca ganacsiga ah, horumarinta iyo amniga, Qatar waxay sidoo kale caawin doonta dib u qalabeynt ciidanka.

Amiir Sheekh bin Hamad al-Thani ayuu la kulmi doona si uu ugala hadlo xiriirka labada dhinac iyo rajooyinka horumarineed.

Warbaahinta dowladda Qadar ayaa si ballaaran uga hadlaysa Safarka Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagi doona Magaalada Dooxa.

Waa Safarkii Labaad ee uu madaxweyne Farmaajo ku taggo qadar tan iyo Markii la doortay.

Safarkaan ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xumanayo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip