Maxamed Tuulax "Wada shaqeyn la'aanta degmooyinka waxay gaartay Guddoomiye iyo kuxigeenkiisa aan isa salaamin"

0
Sunday May 13, 2018 - 10:57:06 in Wararka by
  • Visits: 489
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxamed Tuulax "Wada shaqeyn la'aanta degmooyinka waxay gaartay Guddoomiye iyo kuxigeenkiisa aan isa salaamin"

    Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca Amniga iyo Siyaasadda Maxamed C/llaahi Tuulax ayaa qiray in maamulada degmooyinka Gobolka Banaadir ay ka jirto wada shaqeyn la'aan u dhaxeysa Guddoomiyaha, kuxigeenkiisa iyo Taliyaha Booliska deg

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca Amniga iyo Siyaasadda Maxamed C/llaahi Tuulax ayaa qiray in maamulada degmooyinka Gobolka Banaadir ay ka jirto wada shaqeyn la'aan u dhaxeysa Guddoomiyaha, kuxigeenkiisa iyo Taliyaha Booliska degmada.

Mr Tuulax ayaa sheegay intii ay xafiiska joogeen ay waxyaabaha ugu badan ee ay arkeen uu ahaa wada shaqeyn la’aan maamulka dhexdiisa ah, taasna ay caqabad ku noqotay shacabkii loo shaqeyn lahaa.

"Intaan Xafiiska joognay waxyaabaha ugu badan ee aan aragnay wada shaqeyn la’aan maamulka dhexdiisa ayay aheyd, Taliye Boolis iyo Guddoomiye aan isa salaamin oo aan wada shaqeyn, Guddoomiye iyo Guddoomiye kuxigeen oo aan wada shaqeyn”ayuu yiri Maxamed Tuulax.

Gacan yarihii hore ee Madaxweynaha ayaa sheegay in si loo helo maamul degmo iyo mid gobol oo wada socda loo baahan yahay in wada shaqeyn rasmi ay timaado, si magaalada horumarka ay gaartay mid ka ballaaran ay sii gaarto, bilicda iyo amnigana laga shaqeeyo.

Inkastoo Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir Mr Tuulax uu sheegay in wada shaqeyn la’aan ay ka dhex jirto maamulada degmooyinka, xataa waxaa jiray warar soo baxayay oo sheegaya in xurguf hoose ay muddooyinkii u dambeeyay ka dhex jirtay Hoggaanka Maamulka Gobolka Banaadir, taasoo ay ugu weyn tahay dhanka awooddaha.

Si kastaba ha ahaatee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xilligan wajahaya culeysyo kala duwan oo ay ugu weyn tahay wax ka qabashada arrimaha amniga, bulshada iyo adeegyada aas aasiga ee shacabka loo qabto.



Halkan hoose ka dhageyso hadalka Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir

Audio Player


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip