Shir madaxda dowlad gobolleedyada uga furmaya maanta magaalada Baydhabo

0
Sunday May 13, 2018 - 08:13:54 in Wararka by
  • Visits: 344
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shir madaxda dowlad gobolleedyada uga furmaya maanta magaalada Baydhabo

    Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah gobolka Baay waxaa maalintii shalay dib ugu laabtay madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan oo waayadii ugu danbeeyay ka maqnaa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah gobolka Baay waxaa maalintii shalay dib ugu laabtay madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xassan Sheekh Aadan oo waayadii ugu danbeeyay ka maqnaa.



 

Magaalada ayaa waxaa ka soconaya qaban-qaabada kulan lagu wado in ay halkaa ku yeeshaan madaxda maamul gobolleedyada dalka ka dhisan, kaa oo looga arinsan doono sida ay laga soo xigtay saraakiil ku dhaw dhaw shirka siyaasada Soomaaliya.

Kulanka ayaa haddii uu qabsoomo noqonaya kii labaad oo ay yeeshaan madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada qeybta ka ah dowladda dhexe oo horay ugu shiray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa soo ifbaxayay khilaaf siyaasadeed oo xoog leh oo mar kale soo kala dhaxgalay dowladda dhexe iyo qaar ka mid ah dowlad gobolleedyada kaddib markii madaxweyayaasha Puntland iyo Jubbaland eedeyn weyn u jeediyeen dowladda federaalka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip