Xaaladda Beledweyne oo kasii dartay iyo Cuduro ka dilaacay

0
Sunday May 13, 2018 - 08:09:26 in Wararka by
  • Visits: 369
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaaladda Beledweyne oo kasii dartay iyo Cuduro ka dilaacay

    Xaaladda Magaalada Beledweyne ee Caasimadda gobolka Hiiraan oo dhawaan ku fatahay wabiga Shabeelle ayaa kasii dartay, waxaana hadda wali dadka Shacabka ay ku dhibaateysan yihiin duleedyadda magaalada Beledweyne.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaaladda Magaalada Beledweyne ee Caasimadda gobolka Hiiraan oo dhawaan ku fatahay wabiga Shabeelle ayaa kasii dartay, waxaana hadda wali dadka Shacabka ay ku dhibaateysan yihiin duleedyadda magaalada Beledweyne.




Mas’uuliyiinta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegeen in ay go’een Xaafado ka mid ah Magaalada,islamarkaana ay adag tahay in la galo Ama la taggo.

Xildhibaan Daahir Aamin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ,islamarkaana hadda ku sugan Beledweyne ayaa Risaala u sheegay in Xaafado ka mid ah Magaaladda wali ay ku Go’doonsan yihiin dad isugu jira Haween iyo Carruur, kuwaasoo dulsaaran guryaha ku yaalla Xaafadda Buunta weyn.


Xildhibaan Jeesow ayaa sidoo kale sheegay in Cudurro kala duwan ay ka dilaaceen Magaalada Baledweyne, islamarkaana Isbitaalladda Beledweyne ay buux dhaafiyeen Carruur ay soo riteen Cuduro kala duwan.

Mas’uuliiyinta maamulka Hirshabelle ayaa waxa ay sheegeen in ay waddaan dadaallo kala duwan oo lagu soo badbaadinaayo dadka Shacabka ah ee ku dhibaateysan Beledweyne.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip